Sign in to follow this  
Deeq A.

Ninkii Tababaray Osama Bin ladin oo shaaciyey in Iyadoo Rasaasi ku socoto uu Osama ka diiday inuu gabbado

Recommended Posts

Deeq A.   

Ninkii Tababaray Osama Bin ladin oo shaaciyey in Iyadoo Rasaasi ku socoto uu Osama ka diiday inuu gabbado

Cusaama Bin Laadin

Dukumintary ay BBC-du ka sameysay taariikhdii dhinaca jihaad doonka ee Cusaama Bin Laden ayaa dadkii lagu wareystay waxaa ku jira nin ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii mujaahidiinta oo lagu naaneyso ‘Ma Cabsade’.

Waxa uu ka sheekeeyay sida uu Bin Laadin ahaa markii ugu horreysay ee uu tababarka u sameynayay iyo sida uu ninkaas uu bilyaneerka aabihiis ahaa ku noqday maskaxdii ka dambeysay weerarro argagixiso.

‘Ma cadsade’ waxa uu sheegay in Cusaama uu ahaa nin aamusnaan badan, balse sheekada xiisaha badan waxa ay ahayd mid ku saabsan maalin ay dagaal culus ka qayb galeen.

Ninka qisada ka sheekeynaya waxa uu ka mid ahaa dagaalyahannadii reer Afghanistan ee u babac dhigay ciidamadii miwdowga Soviet. Dad kale oo jihaad doon ah ayaase uga yimid meelo kale oo caalamka ka tirsan, sida waddamada carabta, si ay garab u siiyaan.

“Raggii carabta ahaa ee noo yimid waxaan ku qaabilnay sida ay yihiin carruur. Aad bay u dhiirranaayeen balse wax fikrad ah kama aysan heysanin sida loo dagaallamo. Way iska keen socdeen, qaarkoodna raashin ayay noo karinayeen. Hoggaamiyeyaasheenna marka ay xulanayaan dad soo dagaallama way ka leexan jireen kuwa Carabta ah.

“Waxaa jiray 12 nin oo Carab ah oo nagu soo biiray, mid ka mid ah waxaa lagu magacaabi jiray Cusaama. Dhowr maalmood kaliya ma ahayn waxa uu nala joogay balse bilo ayuu nala joogay, waxay ahayd 6 bilood mise 8 bilood, ma xasuusto,” ayuu yidhi Ma Cabsade.

Ninkan oo lagu naaneyso 'ma cadsade' waxa uu soo tababaray Cusaama Bin Laadin
Ninkan oo lagu naaneyso ‘ma cadsade’ waxa uu soo tababaray Cusaama Bin Laadin

Dhibaatooyinka ugu waaweyn ee heystay dagaalyahannada waxaa ka mid ahaa waddooyinka oo aan dhisneyn, sida uu sheegay ‘Ma Cadsade’.

Andullah Anas, oo isagana ka mid ah mujaahidiintii hore, kuna jira muuqaalka dukumintary-ga ah, ayaa yidhi: “Waxaan xasuustaa mar aan safar ku tagay dhinaca waqooyi inaan arkay Cusaama oo aad u xamaasadeysan oo kaxeynaya baldoosar.

“Waan u tagay, markaas ayaan ku dhahay, ‘Maxaad sameyneysaa Cusaama?’, Markaas ayuu igu yidhi: ‘Waa lagama maarmaan inaan waddooyin u dhisno mujaahidiinta, sidoo kalena waa inaan xarumo caafimaad ka sameyno godadka buuraha dhexdooda ku yaalla’, sidaas awgeed injineerro ayuu ka keenay shirkaddiisa dhismaha ee ku taallay Jidda.”

 

Cusaama Bin Laadin oo dhallinyaro ah

Ma Cadsade waxa uu sheegay inay mar walba arki jireen Cusaama oo dhiiqada ku dhex jira marka uu baldoosarka ku dhisayo waddada, balse aysan waligood fahmin inuu isagu bixinayay lacagta oo dhan.

“Waxaan u heysannay in ay dad kale kharashka bixinayeen isaguna uu ka ahaa shaqaale caawinaad sameynaya.”

Dagaalkii qaraaraa

“Nimanka Carabta ah ee noo yimid waxba kama aysan aqoonin hubka, tusaale ahaan sida loo isticmaalo AK47 ama sida wax loo toogto. Waligoodba ma aysan ku fikirin,” ayuu yidhi.

“Cusaama wuxuu noo arkayay inaan nahay macallimiintiisa tababarka siinayay, jihaadka iyo dagaalkana barayay. Annaga ayay naga fiirsan jireen, ugu dambeyntiina way barteen.”

Afghanistan

“Markii ay wax barteen waxaan u kaxeyn jirnay jiidda hore ee dagaalka. Waxaan xasuustaa in annagoo dagaal qaraar ku jirna aan Cusaama ku kari weynay inuu gabbado xilli ay rasaas nagu socotay. Waxaan ku dhahnay, ‘gabbo haddii kale xabbadda way kugu dhaceysaa’, balse ma uusan is xakameyn karin oo maba aysan kusoo dhaceynin inuu gabbado.

“Marba qof ayuu ku ordaa, haddana qof kale ayuu ku ordaa. Markii dambe aniga ayaa ku xanaaqay, waan ku qeyliyay “fariiso” kaddib ayuu fariistay.”

“Waxa uu ahaa nin dheer oo caato ah, dabeecaddiisa ayaaba ahayd inuusan gabbanin, weligiisna kama uusan baqin inay xabbad ku dhacdo,” ayuu yiri.

Bin Laden oo markii dmabe mas’uul ka ahaa weerarradii 9/11 ee lagu qaaday Mareykanka, waxa uu ku dhintay howlgal ay ciidamada Mareykanka fuliyeen bishii May ee sanadkii 2011-kii. Howlgalkaas waxa uu ka dhacay guri uu Cusaama dagganaa oo ku yaallay gudaha dalka Pakistan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this