Sign in to follow this  
Deeq A.

Cida Itoobiya siiyay diyaaradahay ku burburisay dhufeysyada TPLF

Recommended Posts

Deeq A.   

Cida Itoobiya siiyay diyaaradahay ku burburisay dhufeysyada TPLF

Haweeney ku dhaawacantay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday gobolka Tigray ee dalka Itoobiya
Haweeney ku dhaawacantay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday gobolka Tigray ee dalka Itoobiya

Tobaneeyo qof ayaa lagu dilay duqeymo diyaaradeed oo bilihii la soo dhaafay ka dhacayay gobolka Tigray ee waqooyiga dalka Itoobiya.

Qaar ka mid ah ayaa waxaa loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka loo yaqaanno, waxaana jira walaac isa soo taraya oo ku aadan khasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah.

Dowladda oo muddo sannad ka badan dagaal kula jirtay fallaagada ayaa sheegtay inay xaq u leedahay inay isticmaasho hubka ay u aragto inay ku habboon tahay.

Waxay dowladda beenisay in duqeymahan ay dad rayid ah la bartilmaameedsatay.

8 January: Weerar lagu qaaday xero ay ku jireen barakacayaal

Weerar dhanka cirka ah oo lagu qaaday xero ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah oo ku taal Dedebit ee Tigray 8-dii Janaayo, ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 50 qof islamarkana waxaa ku dhaawacmay 100 qof oo kale.

Sawirrada la qaaday weerarka ka dib- oo shaqaale gargaar ay u gudbiyeen Politico ayaa horseeday in baarayaal madaxbanaan ay rumaystaan ​​in mid ka mid ah hubka la adeegsaday uu noqon karo gantaal laga soo riday diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar TB2 oo Turkigu sameeyay.

 

Khariirad muujinaysa goobta lagu qaaday addex weerar
Khariirad muujinaysa goobta lagu qaaday addex weerar

Haraadiga duqeymaha- waxay u muuqdaan in hubkani uu yahay nooca lagu rakibo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, sida ay sheegeen cilmi-baarayaal ka socda machadka nabadda ee Pax ee fadhigeedu yahay Netherlands iyo waliba Amnesty International.

Joogitaanka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ee Itoobiya waxa shaaca ka qaaday bishii December Wim Zwijnenburg, oo ah baare la shaqeeya ururka Pax.

Waxa uu farta ku fiiqay in sawiro uu qaaday dayax-gacmeedka ay muujinayaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga oo taagan saldhiga ciidamada cirka ee dawladda ee koonfurta gobolka Tigray.

Waxaa lagu aqoonsan karaa marka la barbardhigo cabbirrada, oo ay ku jiraan baalasha iyo dhererka, sawirada dayax-gacmeedka.

Ma cadda in diyaaradahan ay yihiin kuwa loo adeegsaday dhacdadan, dowladda Itoobiyana ma aysan xaqiijin isticmaalkooda.

Turkiga ayaa sanadkii hore heshiis iskaashi dhanka difaaca ah la saxiixday Itoobiya, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa bishii December ee sanadkan sheegtay in Maraykanku uu ka muujiyay walaaca uu ka qabo dawladda Turkiga ee ku aaddan iibka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Itoobiya.

6 January: weerra lagu qaaday jabhadda Oromada

Weerar horraantii bishii Janaayo lagu qaaday fallaagada gobolka Oromiya, oo iyagu isbahaysi la sameeystay fallaagada Tigray.

Faahfaahin yar ayaa laga helay weerarkaasi mana cadda in dad rayid ah ay wax ka soo gaareen iyo in kale.

Si kastaba ha ahaatee, weerarka cirka ee ka dhacay aagga Gidami ayaa ka tagay xoogaa caddayn ah islamarkana haraadiga gantaalada ayaa sida ay sheegeen baarayaal muujinaya in la isticmaalay hub lagu farsameeyay dalka Iran.

Sawirka dayax-gacmeedka oo muujinaya diyaarad Dronis ah oo ku sugan garoonka diyaaradaha ee Harar Meda
Sawirka dayax-gacmeedka oo muujinaya diyaarad Dronis ah oo ku sugan garoonka diyaaradaha ee Harar Meda

Sawiro lagu qaaday dayax gacmeed bishii December ayaa muujinaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran oo ku sugan garoonka diyaaradaha ee Harar Meda airport.

Qalabka dabagalka duulimaadyada ayaa lagu ogaaday in ilaa 15 duullimaadyo xamuul ah oo ka yimid Iran kuna socday garoomada diyaaradaha ee Harar Meda iyo Bole bishii August 2021. Lama oga waxa ay sideen diyaaradahaasi.

Si kastaba ha ahaatee, bishii October ee sanadkii la soo dhaafay, mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa si cad u cambaareeyay Iran dhoofinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn waxayna Itoobiya ku tilmaameen mid ka mid ah dalalka helay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran.

16 December: weerar lagu qaaday suuq ku yaalla Alamata

Bartamihii Decembar 2021, weeraro cirka ah oo isdaba joog ahaa ayaa sababay dhimashada 28 qof oo rayid ah oo ku sugnaa suuq ku yaalla magaalada Alamata ee koonfurtagobolka Tigray.

Jabhadda TPLF, ayaa sheegtay in diyaaradaha dagaalka ee dowladda iyo kuwa aan duuliyaha lahayn ay mas’uul ka ahaayeen weerarkaasi.

Sawio uu baahiyay Tigrai TV oo muujinaya haraadiga noociisu yahay Blue Arrow 7
Sawio uu baahiyay Tigrai TV oo muujinaya haraadiga noociisu yahay Blue Arrow 7

Muqaal laga sii daayay TV-ga Tigrayga, ayaa muujinaya hraadiga gantaal la sheegay in loo adeegsaday weerarkan.

Dhuumaha dabadiisa ee matoorka gantaalka, kaasoo u janjeera inuu ka badbaado saameynta, ayaa laga garan karaa muuqaalka.

Mid ka mid ah baaritaannada – oo adeegsanaya macluumaadka laga helay dadweynaha iyo baaritaan lagu sameeyay haraadiga gantaalada ayaa muujinaya in uu u ekaa gantaalada uu sameeyo Shiinaha oo laga soo riday diyaarad aan duuliye lahayn.

Sawirro Satellite-ku qaaday ayaa daaha ka qaaday in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Wing Loong ee Shiinuhu soo sammeeyay lagu xareeyay saldhigga ciidammada cirka ee Itoobiya ee Harar Meda 15kii Disembar – maalin ka hor weerarkii Alamata.

Sawirro Satellite-ku qaaday ayaa shaaca ka qaaday in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Wing Loong ee Shiinuhu farsameeyo lagu xareeyay saldhigga ciidammada cirka ee Itoobiya ee Harar Meda 15kii Disembar – maalin ka hor weerarkii Alamata.

Baaritaan madaxbanaan ayaa muujinaya in Shiinuhu uu ahaa meeshii ay ka yimaadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Wing Loong ee Itoobiya yaalla, oo markii hore loogu talagalay isticmaalka uruurinta xogaha.

Xogta laga helay app-ka la socodka duulimaadyada ayaa muujinaya shixnado ka yimid Chengdu ee Shiinaha, oo ah goob ay dawladdu leedahay oo lagu farsameeyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Chengdu, islamarkana diyaaradahan loo dhoofay Itoobiya bilihii Sebtembar iyo October ee sannadkii aanu soo dhaafnay.

Muuqaal uu duubay Dayax-gacmeed oo muujinaya diyaaradaha Wing Loong oo yaalla garonkaHarar Meda
Muuqaal uu duubay Dayax-gacmeed oo muujinaya diyaaradaha Wing Loong oo yaalla garonkaHarar Meda

Laakin waxaa jira wadan kale oo haysta diyaaradaha noocyada Wing Loong iyo Blue Arrow islamarkana u soo diray dalka Itoobiya, dlakasaina waa Imaaraadka Carabta.

Iyadoo la so xiganayo xogta hubka ee uu uruuriyay Machadka Cilmi-baarista Nabadda ee Caalamiga ah ee Stockholm (SIPRI), Imaaraadku wuxuu haystaan labadan ee Wing Loong drones, iyo gantaallada Blue Arrow.

Diyaaradaha Wing Loong ee ay Shiinaha farsameeyaan
Diyaaradaha Wing Loong ee ay Shiinaha farsameeyaan

Cilmi baarista xogta duulimaadku waxay muujinaysaa 119 duullimaadyo xamuul ah muddo shan bilood ah sannadkii hore kuwaasi oo ka duulay garoommada ciidamada cirka ee Imaraadka islmarkana gaaray Harar Meda (koonfur-bari ee Addis Ababa) iyo Bole, oo ah groonka caalamiga ah ee ugu weyn caasimadda. Lama hubo waxa ay duullimaadani sideen.

Maxay ka tiri dowladda Itoobiya?

Afhayeenka dawladda Itoobiya Legesse Tulu ayaan tafaasiil ka bixin dhacdooyinka kor ku xusan.

Wuxuu BBC-da u sheegay: “Ma sheegi doono goobta, balse dowladdu waxay isticmaashay Dronis-ka xilliyo iyo meelo kala duwan.” Waxa uu sidoo kale ku adkeystay in aan loo adeegsan goobaha dadka rayidka ah.

Dhab ahaan ma naqaan goorta diyaaradahaas la keenay.

BBC-da ayaa la xiriirtay dowladaha walaaca ka qaba wararka sheegaya in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dalalkooda loo adeegsaday Itoobiya – balse kama aysan jawaabin.

Waxaan sidoo kale la xiriirnay shirkadda difaaca ee Turkiga oo sameysa diyaaradda Drone-ka ee Bayraktar, balse wax jawaab ah kamaanu helin.

Ma jirto cunaqabatayn dhanka hubka ah oo saaran Itoobiya hadda, dhoofinta diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyaha lahayna ayaa ah kuwa aan la ogeyn marka loo eego shuruucda iyo heshiisyada caalamiga ah.

Blase adeegsigooda goobaha colaadaha ee adduunka ayaa u muuqda mid sii kordhaya.

Wim Zwijnenburg, oo ka tirsan kooxda Pax, ayaa aaminsan in tusaalaha Itoobiya “ay keenayso su’aalo culus, iyada oo la tixgelinayo eedeymaha badan ee ku xadgudubka sharciga caalamiga ah”.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this