Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawlada Kenya oo Ingiriiska u dhiibtay Soomaali loo heysto Dilal 

Recommended Posts

Deeq A.   

Dawlada Kenya oo Ingiriiska u u dhiibtay Soomaali loo heysto Dilal 

Mohamud Siyad Abdihakim, 24 and Tariq Kennedy Mangal, 21, were arrested by Transnational and Organized Crimes detectives following intelligence leads.https://t.co/59sZVewBmg

— NairobiLeo.co.ke (@Nairobi_Leo) January 26, 2022

 202795f6-1a85-4de8-b873-71f620222f3b.jpg
 Maxamuud Siyaad Abdixakiim oo 24 jir ah iyo Monteiro Tariq Kennedy Mangal, oo 21 jir ah

Kenya ayaa tarxiishay muwaadiniin u dhashay dalka Britain, kuwaasi oo loo haysatay dacwad dil ah oo ka geysteen dalkaasi Britain.

War qoraal ah oo ka soo baxay waaxda dambi baarista dalka Kenya ayaa lagu sheegay in dambi-baarayaashu ay raggan ka soo qabteen xaafad ku taala mgaalada Nairobi oo lagu magacaabo Kilimani, halkaasi oo ay ku dhuumaaleysanayeen.

Maxamuud Siyaad Abdixakiim oo 24 jir ah iyo Monteiro Tariq Kennedy Mangal, oo 21 jir ah ayaa lasoo xiray kaddib markii ay laamaha ammaanka heleen xogo sirdoon ah.

Raggan ayaa waxaa loo heystaa inay dileen wiil 16 jir ah oo magaciisa lagu sheegay Alex Smith, kaas oo toori lagu dilay gudaha xaafadda Camden sanadii 2019-kii.

ad53bf1e-f7c4-47a8-9e85-4cc933105239.jpgTooreeydii uu watay mid kamid ah raga la soo xiray

Booliska Britian ayaa rumaysan in mid ka mid ah labada nin ee baxsadka ahaa ee la qabtay uu fuliyay weerarka toorida, halka midka kalena uu saarnaa mid ka mid ah labo baabuur oo la xaday oo ku lug lahaa dhacdadaasi.

Falkan ayaa la sheegay in uu ka dhashay xifaaltanka burcadda. Dambi baarayaasha ayaa sheegay in Tariq uu watay kaarka aqoonsiga Soomaaliya oo uu ku qoran yahay magaca Cabdulahi Abshir Maxamed iyo tooreey. Labo nin oo kale oo iayaguna lala xiririnayay dilka wiilkaasi 16-jirka ah oo haray loo xukumay ayaa xabsi ku yaalla UK ku dhameystay muddadii lagu xukumay

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this