Sign in to follow this  
Deeq A.

Waddan ka cadhooday magaciisa oo lagu daray liis ay Soomaaliya ku jirto

Recommended Posts

Deeq A.   

Waddan ka cadhooday Magaciisa oo lagu daray liis ay Soomaaliya ku jirto

 colombia.jpg

Dowladda Colombia ayaa ka cadhootay in waddankaas lagu daray liiska warbixinta Qaramada Midoobay ee 20 dal oo ay ka jirto “baahi daran”, sida ay tebisay Wakaaladda Wararka ee AFP.

War Isniintii kasoo xukuumadda Bogota ayaa lagu dalbaday in Colombia laga saaro liiska waddamada lagu tilmaamay inay halis ugu jiraan “raashin la’aan.”

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Colombia ayaa xafiiska hay’adda FAO ee magaalada Rome u gudbisay go’aanka ku saabsan sida ay uga soo hor jeedaan war bixintaas, sida ay ku warrameen warbaahinta dalkaas.

Warbixinta cadhada dhalisay waxaa isbuucii lasoo dhaafay si wadajir ah u shaaciyay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada iyo Beeraha iyo hay’adda Caafimaadka Adduunka.

Waxaa lagu sheegay in “dad ay tiradoodu gaadheyso 7.3 milyan oo reer Colombia ah ay heystaan dhibaatooyin cunto la’aan ah ayna u baahan yihiin in raashin lagu caawiyo 2022-ka.”

Waddamada kale ee liiska ka muuqda waxaa ka mid ah Soomaaliya, Suudaanta Koonfureed, Itoobiya, Madagascar iyo Yemen.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this