Sign in to follow this  
Deeq A.

Guuddiga Dooorashooyinka Dadban oo Baaq U Diray Maamullada Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga doorashooyinka dadban heer federal ee Soomaaliya  ayaa war kasoo saaray doorashadii golaha shacabka ee maalinimadii shalay ka bilaabatay magaalada Jowhar ee xarunta maamul goboleedka Hirshabeelle, taas  oo lagu soo doortay lix kursi oo ka tirsan golaha shacabka Baarlamaaka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka ah  ee Soomaaliya.

Guddiga ayaa qoraalka uu soo saaray waxaa lagu bogaadiyey guud ahaan guddiyada doorashooyinka federalka ee heer dowlad goboleed ay dardargeliyaan doorashooyinka dalka ee golaha shacabka oo siw eyn uga socota magaalooyinka xarumaha u ah maamullada, waxaana ay ku eg tahay february 25.

Magaalada Jowhar ayaa maalinimadii shalay waxaa lagu doortay lix kursi oo ka tirsan golaha shacabka waxaana inta badan doorashadii shalay dhacday ay aheyd mid uu badnaa tanaasulkeeda oo ma jirin tartan adag oo musharraxiintu la kulmeen sida, Jowhar iyo maalooyinka kale ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay ka dhacdo doorashada kuraas hor leh.

273132992_242265254750830_301251176509143788_n.jpg

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this