Deeq A. Posted February 1, 2022 Guddiga doorashooyinka dadban heer federal ee maamul goboleedka Galmudug ayaa maanta shaaciyey soo xuliska ergada dooranayso 3 kursi oo ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuridda federalka ah ee Soomaaliya. Guddiga ayaa shaaciyey magacyada 15 Nabaddoon oo soo kala xulaysa erkada kala dooranaysa kuraasta tirsigoodu kala yahay Hop#49, Hop# 51 iyo Hop# 139, Hob# oo deegaan doorashadoodu ay tahay deegaannada maamulka Galmudug. Kursiga tirsigiisu yahay HOP 139 ayaa Baarlamaankii 10-aad waxaa ku fadhiyey Cabdixakiin Macalin Axmed. Kursiga tirsigiisu yahay HOP 051 ayaa Baarlamaankii 10-aad waxaa ku fadhiyey Xasan Macalin Maxamuud Sh.Cali. Kursiga tirsigiisu yahay HOP 049 ayaa Baarlamaankii 10-aad waxaa ku fadhiyeyMustaf Sheekh Cali Dhuxulow. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites