Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey dagaal culus oo ka dhacay Galgaduud + khasaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay qaybo ka mid gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, kaas oo u dhexeeyey laba maleeshiyo Beeleed.

Dagaalka ayaa ka qarxay duleedka koonfureed ee degmada Balanbale, waxaana intii uu socday la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in dirirtu ay dhex-martay laba maleeshiyo Beeleed oo muddo isku hayey arrimo la xiriira aano Qabiil oo ka taagan halkaasi.

Ugu yaraan 9 ruux ayaa ku dhintay dagaalkan, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa sidoo kale isugu jiro dhinacyada dagaalamay iyo shacab ku sugnaa halka uu dagaalku ka dhacay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in inta uu dagaalka uu socday in ka badan 15 guri oo ay daganaayeen qoysas xoolo dhaqaqto ah, taas saameyn ku yeelatay deegaanka.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana is hor fadhiya maleeshiyaadka labada dhinac ee ku dagaalamay koonfurta degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka.

Dagaal Beeleedyada ayaa ku soo noq-noqday deegaanada maamulka Galmudug, kuwaas oo geystay khasaarooyin isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur intaba.

The post Wararkii ugu dambeeyey dagaal culus oo ka dhacay Galgaduud + khasaaraha appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this