Sign in to follow this  
Deeq A.

Dacwadda hoggaamiyihii hore ee dalka Burkina Faso oo la hakiyey + sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Burkina Faso (Caasimada Online) – Maxkamad ku taalla waddanka Burkina Faso ayaa hakisay dacwadda la xiriirta dilkii madaxweynihii hore ee dalkaas, Thomas Sankara, oo ay wajahayeen eedeysaneyaal.

Sankara oo ahaa hoggaamiyihii kacaanka ee dalka Burkina Faso  ayaa la dilay sanadka marka uu ahaan 1987-kii, waxaan kadib billowday baaritaano soo socday oo ku aadan dilkiisa.

Qoyska Mr Sankara ayaa codsaday in la hakiyo kiiska sababo la xiriira afgambigii militari ee waddankaas ka dhacay isbuucii lasoo dhaafay.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in ay dib u billaabi doonaan marka sharciga dastuurka lagu soo celiyo dalka.

Midowga Afrika ayaa Isniintii sheegay inuu xubinnimada ururkaas ka saaray Burkina Faso, go’aankaas oo yimid afar maalmood kaddib markii urur goboleedka Galbeedka Afrika ee Ecowas uu sidoo kale iska saaray Burkina Faso.

Wafdi isku dhaf ah oo ka kooban Qaramada Midoobay iyo Ecowas ayaa ku sugan magaalada Ouagadougou si ay wada hadal ula yeeshaan hoggaanka militariga.

Si kastaba, xaaladda Burkina Faso ayaa haatan aad u cakiran, kadib is-bedalka ka dhacay waddankaas oo gebi ahaanba ay Inqilaab ku qabsadeen ciidamada milatariga.

The post Dacwadda hoggaamiyihii hore ee dalka Burkina Faso oo la hakiyey + sababta appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this