Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland iyo Hay’adaha Caalamiga ah oo ka shiray Xaaladda Abaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   
1-19.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Ku-simaha Madaxweynaha dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta Shir-guddoomiyay Shir ku saabsan abaaraha.

Ujeedka shirka ayaa ahaa ka jawaabida xaaladda abaaraha Puntland ka jira, Shirka waxaa kasoo qeyb-galay dhammaan Masuuliyiinta iyo Wakiilada Hay’addaha caalamiga ah ee fadhigoodu yahay Puntland waxaana la iskaga xogwareystay xaaladadaha abaaraha ee guud ahaan saaameyey dhamaan Gobollada Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa la wadaagay Shirka, in dowladda Puntland ay ka go’antahay ayna dadaal ku bixinayso ka jawaabista Xaaladaha bani’aadanimo ee ka dhasha Abaaraha iyo garab istaaga Shacabka. Wuxuuna faray dhammaan Hay’adaha Dowladda in arrintaasi lagala shaqeeyo Guddiga Abaaraha u xilsaaran iyo Hay’addaha la shaqeynaya.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddiga Abaaraha ee Puntland, Masuuliyiinta Hay’adda Hadma, Maareeyaha Wakaaladda Biyaha, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo masuuliyiin kale.

PUNTLAND POST

The post Puntland iyo Hay’adaha Caalamiga ah oo ka shiray Xaaladda Abaaraha appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this