Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Caalamka Oo War-Saxaafaddeed Fariin Culus Xambaarsan Ka Soo Saartay Doorashooyinka Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Dalalka Beesha caalamka ee Somaliland ka taageera Doorashooyinka iyo Dimuqraadiyadda, ayaa ugu baaqay Madaxda Siyaasadda ee Somaliland in ay caddeeyaan jidka loo marayo doorashooyinka soo socda ee Somaliland, iyada oo hanaan wada tashi oo loo midaysan yahay oo waafaqsan distuurka iyo shuruucda Somaliland.

Waxa kale oo dalalkan Beesha caalamku sheegeen in ay muhiim tahay in la bilaabo oo la diyaariyo diiwaan gelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka ee ay Komishanka doorashooyinka Somaliland gacanta ku hayaan, si loo dhamaystiro ka hor wakhtiga doorashada soo socota ee madaxtooyada.

Beesha caalamku waxay ballan qaaday in ay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan Somaliland.

“kadib guushii doorashadii isku-sidkanayd ee Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka ee Somaliland ka qabsoontay sanadkii tagay waxa ay Beesha Caalamka ee Somaliland ka taageerta hannaanka dimuqraaddiyaddu tageen magaalada Hargeysa 24-27 January, si loola falanqeeyo tallaabooyinka xiga iyo wakhtiga doorashooyinka soo aaddan saamilayda siyaasadda,” ayaa lagu yidhi bayaanka Beesha Caalamka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in hoggaamiyeyaasha Somaliland lagu boorrinayo in ay kala caddeeyaan hannaanka doorashooyinka sanadkan astaysan u qabsoomayaan iyaga oo u maraya wada hadal iskuna raacaya habka doorashadu u qabsoomayso oo la isla ogol yahay taas oo waafaqsan xeerarka iyo dastuurka Somaliland.

Waxa kale oo bayaanka Beesha Caalamka lagu sheegay in ay muhiim tahay in Komishanka doorashooyinku hadda bilaabo diwaangelinta codbixiyeyaasha si loogu dhammaystiro wakhtigooda la jaanqaadaya qabsoomida doorashooyinka.

Beesha Caalamka ayaa qoraalkooda ku soo gabo-gabeeyay in ay sii wada doonaan taageerada Somaliland ee ay wakhtiga badan soo wadeen

Linkigan hoose ka akhris Qoraalka beesha caalamka oo dhammaystiran

https://eeas.europa.eu/delegations/somalia/110302/statement-international-partners-somaliland?fbclid=IwAR3nRu_uOfK4Y6bKix4y_QMhwFbi606kfaQ8uxpIaU7dPSJ2-4OLlCbNm-s

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this