Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Mandera

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaarayo magaalada Madera ee gobalka waqooyi bari dalka Kenya ayaa sheegaya in qarax khasaaro geeystay uu ka dhacay banaanka magaalada.

Qaraxa oo ka dhacay waddo xiriirisa Arabia  iyo Mandera ayaa sababay dhimashada 8 qof oo shacab ah iyo dhaawaca in ka baan 12 qof.

Dadkaan ayaa qaraxa uu haleelay xilli ay saarnaayeen gaari u nooca dadweynaha ah oo u sii jeeday magaalada Mandera ee gobalke Waqooyi bari dalka Kenya.

Maamulka degmada Mandera ayaa sheegay in ay gurmad u sameeyeen dadkii dhaawaca ahaa, haddana lagu dabiibayo xaaladooda caafimaad isbitaalka weyn ee magaalada Mandera.

Illa iyo hadda ma jirto cid laamaha ammaanka Kenya ay u soo qabteen qaraxa maanta ka dhacay Mandera, waxaana ciidamadu ay sheegeen in ay socdaan baaritaanno ku aaddan kooxihii falkaan ka dambeyay.

Goobjoo News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this