Sign in to follow this  
Deeq A.

Khadiija Diiriye oo dib loo doortay kadib markii Baarliin lagu reebay hab farsamo ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Khadiija Maxamed Diiriye ayaa markale ku guuleysatey kursiga tirsigiisu yahay HOP#097 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle.

Khadiija Maxmed Diiriye oo hadal ka jeedisay kadib guusheeda ayaa u mahad-celisay beesheeda, oo ay sheegtay inay wax ku tahay, ayada oo ballan-qaaday inay markasta heegan u tahay beesheeda.

“Alle ayaa mahad leh oo wax walba qadartiisa ay ku noqdeen, waxaan u mahad celinayaa hogaanka dolwadda HirShabelle, beesha Yaxar oo suurtagal ka dhigtay 2000 illaa 2025 in aan hogaamiyo siyaasadooda iyo shacabka Soomaaliyeed ee guushan sugayay, garashadiina ayey ku timid qaangaar-nimadeyda siyaasadeed” ayey tiri.

Natiijada doorashadan ayaa aheyd mid hore loo sii ogaa, waxayna Khadiija kursigaas ku fadhisay tan iyo dowladdii lagu soo dhisay Carta – Jabuuti, 21-sano ka hor.

Khadiija ayaa sida la fahamsan yahay kamid aheyd shaqsiyaad si gaar ah loogu xiray kuraasta Golaha Shacabka, ayada oo musharaxii kale sida weyn ula loolamayey laga reebay tartanka, kadib markii loo diiday shahaadada musharaxnimada, sida ay sheegtay.

Baarliin oo dooneysay in wasiir Khadiija Maxamed Daariye ay kula tartanto kursiga golaha shacabka ay ku leedahay beesha Yaxar ee HOP#097 oo xalay warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee HirShabeelle ay toos uga reebeen tartanka, kadib markii ay hor dhigeen dhowr jid-gooyo.

Caqabada ugu weyn oo ay sheegtay in guddigaas ay hor dhigeen ayaa aheyd inay keensato ID-kaar cadeynaya inay tahay beesha ay kursigeeda u tartameyso ee Yaxar, islamarkaana ay geysay guddiga odayaashii dhaqanka beesha, halka Khadiija ay la timid odayaal kale oo isla beesha ah, halkaasna lagu cadeeyey in Baarliin ay u dhalatay beesha Yaxar.

Hase yeeshee waxay sheegtay in ugu dambeyntii guddoonka guddiga doorashada HirShabeelle ay si cad ugu sheegeen in doorashada aysan ka qeyb geli doonin oo aysan u diiwaan geli doonin inay u tartanto kursiga beesheeda.

Khadiijo Diiriye ayaa hadda ka hor fagaare ka sheegtay in Baarliin Biin aysan u dhalan beesha Yaxar, isla markaana aysan kula tartami doonin kursiga beesheeda, taas oo sida muuqata ay hadda ka dhabeysay Khadiijo.

Sida ay ku bilaabatay doorashada HirShabelle ee Golaha Shacabka ayaa muujineyso in Cali Guudlaawe uu ka leexday dhabihii uu horey ugu wajahay doorashadii Aqalka Sare oo aad loogu boggaadiyey, waxaana durbo soo shaac baxay cabashooyin ku aadan doorashada Jowhar.

The post Khadiija Diiriye oo dib loo doortay kadib markii Baarliin lagu reebay hab farsamo ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this