Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Rooble oo u safray dalka Imaaraadka Carabta

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay waddanka Imaaraadka Carabta.

War kooban oo ka soo baxay xafiiskiisa ayaa lagu sheegay in Ra’iisul wasaare Rooble kulamo la yeelan doono madaxda u sarraysa dalka Imaaraatiga .

Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in kulamadaas looga hadli doono xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada waddan ee Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Safarka ayaa ku soo beegmay xillu dhowaan Ra’iisul wasaaruhu raalli-gelin ka bixiyay lacagtii 2018 Muqdisho lagaga xannibay dowladda Imaaraadka.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Rooble oo u safray dalka Imaaraadka Carabta appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this