Sign in to follow this  
Deeq A.

Lammaane xalay lagu dilay magaalada Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in xalay halkaas lagu dilay nin iyo haweeney lammaane ah.

Labada marxuum ayaa lagu dilay bartamaha magaalada waxaana goobta ka baxsaday dableydii dilka fulisay sida ay sheegeen goob-joogayaal.

Laamaha Amniga Somaliland oo goobta gaaray ayaa hawlgal ka sameeyay xaafadda dilkaas ka dhacay inkastoo sida la sheegay aysan weli cidna u qaban dilka labadaas marxuum.

Amniga magaalada Laascaanood ayaa mudooyinkii dambe sii xumanaayay waxaana halkaas ka dhacay dilal kala duwan.

PUNTLAND POST

The post Lammaane xalay lagu dilay magaalada Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this