Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biixi Oo Wadda Qorshe Dib Ugu Dhigayo Doorashadda Madaxtooyadda + Digniinta Mucaaridka Iyo Farriinta Cali Guray

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha uu wakhtigiisii dhammaanay ee Muuse Biixi Cabdi ayaa u muuqda mid raadinaya qiil uu ku helo muddo kordhin,waxaanu hadda isaga iyo Xukuumaddiisa ay maal-mihii ugu dambeeyey fagaarayaasha ka sheegayaan in doorashada ururrada ay soo horrayso, iyagoo iska indho tirayaa sharciga dalka iyo dastuurka.

Madaxweyne Biixi ayaa isku dayeya inuu doorashadiisa Madaxtooyadda uu dib u dhigo, halka uu haddii ay suuragashana uu qorshanayo in ta ururrada siyaasaddada uu soo qadimo, taas oo Xisbiyadda Mucaaradka ahi ee ay iyana ka biyo diidsan yihiin, isla markaana ay leeyihiin doorashada Madaxtooyadda ee soo horaysa qabo horta ” Muuse Biixi wuxuu damcay in uu doorashada dib u dhigo, oo uu Xisbiyada meesha ka saaro, oo uu lasoo baxo laba xisbi oo uu ka guulaysan-karo,taas-na kaama yeellayno marnaba nagama wanaagsanid,Waxaanu haysanaa shahaado 10-sanno ah, waxaana lanoo siiyay in aanu laba jeer ku tartanno”

Guddoomiye Faysal ayaa intaas ku darra “Muuse waxaan leeyahay,hadaad diido in aad doorasho qabato 13 november 2022-ka, marka wakhtigaagu dhammaado ma oggolaanayno inaad sii fadhido, labada xisbina ma oggolaanayaan,taageerayaashayadduna ma oggolaanayaan, kamana talinaysid halka ay joogaan taageerayaashayadu.”ayuu yidhi Faysal

Waxa kale oo sheegay Guddoomiye Faysal “Muuse Biixi, 1994-kii ayaan Finland kalasoo hadlay, waxaan ku idhi dalka dagaal ha galin, waakii galiyay iyadoon Cigaal ogayn, ilaa laga qaaday xilkii Wasiirnimana dalku muu dagin”

Dhanka kalene Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isna arrintaas ka hadlay ayaa sheegay sidan:- “Xisbiga KULMIYE markii uu soo bandhigay qorshihiisa maamul wanaagga oo ahaa tiirka lixaad ee barnaamijkoodii ay ololaha ku galeen, waxa uu sheegay inuu ka hortagi doono dib u dhac kasta oo doorasho sifo kasta ha ku yimaadee, haddaba afar sanno kadib ballantaasi way la xumaatay xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa, Muuse waxa ka muuqata in uu maalmahan u ololaynayo oo uu u durbaan tumayo muddo korodhsi xaaraan ah oo sharci darro, waxaanu leenahay ku suurtoobi mayso, waxa kale oo aanu leenahay ballanqaadkii qornaa ee aad bulshada u soo bandhigteen ragbaa Alle idinka dhigaye ha beenina” Guddoomiye Xirsi

Geesta Siyaasi Cali Guray ayaa sheegay isna in doorashada Madaxtooyadda wakhtigeedii laggu qabto, isla markaana ay doorashada ururrada dambayso,waxaanu ka digay haddii doorashada ururrada la soo qadimo in dhibaato ay ka dhallan karto”Waxa aan aqaan annigu xeerka iyo dastuurka inta baddana in la raaco oo la illaaliyo ,Xisbiyadda waxa u hadhay 11 bilood ururraduna waxay xaq u leeyihiin in ay la tartamaan 11 bilood marka ay dhammadaan,sheekadda odhanaysa doorashada Madaxtooyadda ka hor ayaa ururrada lala tartansiinayaa ,Xisbiyaddana jirana shir qool iyo mu’aamarada Somaliland dimuqraadiyadeed laggu mijo xaabinayo ayaan u arkaa ,waayo sharciga ayaan raacsanay xeerkuna sidaas ayuu odhanayaa 10 sannadood .”ayuu yidhi

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this