Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Itoobiya Oo La Sheegay Inay Saldhig Ciidan Ka Samaysanayso Gudaha Somaliland Iyo Khabiirro Ka Hadlay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Dawladda Itoobiya oo sannadkii 2019-kii dib u dhisatay Ciidankeedii Badda,kuwaas oo si weyn loo qalabeeyey,balse aan haysan saldhig ciidan Baddeed oo ay ka hawl-galaan,wallow Dawladda Itoobiya ay sheegtay inay waddamada dariska ay mid uun saldhig ciidan baddeed ka samaysan doonto,kuwaas oo ay ku jirto Somaliland, haddana arrintaas weli umma ay suuragelin.

Haddaba kaddib soo nooleyntii ciidanka badda ee Itoobiya ayaa la sheegay inay saldhig ka heli karto afar waddan midkood.kuwaas oo kale ah waddamada Eritrea,Jabuuti iyo Kenya oo u muuqata in ay ka fog tahay,halka ay Soomaliland tahay waddanka ugu dhaw.

Dawladda Itoobiya,ayaa sannadkii 1996-kii waxay ku guul darreysatay bixinta lacagihii kirada ahaa ee ciidankeeda badda oo xilligaan degaanaa saldhig ku yaallay dalka Jabuuti.taasi waxa ay keentay in Jabuuti ay la wareegto maraakiibta Ciidamada Badda Itoobiya ee hadhsanaa, sida uu qoray Naval Post.

Dr Abiy Axmed markii uu xukunka qabsaday ku dedaalay inuu xulafo la sameysto dhammaan dalalka ku hareereysan.Inkastoo uu fiican yahay xidhiidhka xilligan ka dhaxeeya xukuumadaha Addis Ababa iyo Asmara waxaa la aaminsan yahay in uusan gaadhi karin ilaa heer ay Itoobiya mar kale ku tallaabsato inay ku tiirsanaato dekedaha Casab iyo Massawa ee dalka Eritrea,waxa kale oo laga cabsi qabaa in dhismaha ciidamada Badda ee Itoobiya uu khatar ku noqon karo Eritrea ama ay halis u arki karto.

Dhanka kalena Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland Dr Ciise Kayd Maxamuud oo la hadlay BBC-da dhawaan ayaa beeniyey wararka isa soo taraya ee sheegaya in Itooobiya laggu wareejinayo Dekadda Saylac,waxaanu wararkaas uu ku tilmaamay kuwo been abuur ah.”Waa arrin aanan sal iyo raad ah lahayn,nin weriye ayayna ka timid markii hore”, ayuu yidhi Wasiirka.

Geesta kalana Diblomaasi hore oo u dhashay Itoobiya, Birhanemeskel Abebe, ayaa sheegay in istiraatiijiyadda iyo walaaca siyaasadda dhinaca amniga ee dhul ahaaneed ay sabab u noqon karto dhismaha ciidanka badda.”Xuquuqda ay Itoobiya u leedahay inay isticmaasho biyaha caalamiga ah waxay u baahan tahay in ay yeeshaan saldhig badeed,” ayuu ku yidhi wareysi uu horay u siiyay BBC-da.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in Somaliland iyo Jabuuti oo keliya ay yihiin meelaha ugu habboon ee ay Itoobiya ku yeellan karto saldhig ay isticmaalaan ciidamadeeda badda,waxaase xusid mudan in Jabuuti ay saldhigyo noocaas ah ay ku leeyihiin dalal kale,maddaama xaalka jabuuti sidaas yahay,waxa la tuhunsan yahay in ciidanka badda ee Itoobiya uu saldhigoodu noqon doonno Somaliland,waxaanay xoggo soo baxayaa ay tibaxeen in Itoobiya uu qorshaheedu yahay in saldhig ciidankeeda badda ay ka samaysato guddaha Somaliland,taas oo ay hadda ku hawlan tahay.

Geesta kalena dhawaan ayaa Madaxweyne Biixi iyo wefti uu hoggaaminayo ay safar kooban ku teggeen dalka Itoobiya, kaas oo la sheegay in uu ahaa martiqaad uu Raysal Wasaaraha Itoobiya u fidiyey Madaxweyne Biixi,wallow uu kullan la yeeshay Madaxweyne Biixi Raysal Wasaaraha Itoobiya,haddana ma jirto wax war ah oo ay Xukuumadda Madaxweyne Biixi ka soo saartay kullankaas iyo wixii laggaga wadda haddla,hase-yeeshee waxa soo baxaya tuhuno kale duwan oo la xidhiidha in arrimaha lagga wadda hadlay aanay ka maydhnayn qadiyadda Saldhiga Ciidanka Badda ee Itoobiya iyo isticmaalka Dekadda Saylac,balse waxa ay wax waliba kale caddaan doonnaan maal-maha iyo bisha soo socota.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this