Deeq A. Posted January 30, 2022 Ammaanka guud ee magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ayaa si weyne loo adkeeyey, iyadoo maanti barri ah lagu wado in ay ka dhacdo doorashada kuraastii ugu horeysay ee golaha shacabka, kuwaas oo gaaraya ilaa 6 kursi oo kamid ah Baarlamaanka ee 11-aad ee Baarlamaanka federalka Soomaaliya. Lixda kursi ee befi lagu dooranayo ayaa kala ah HOP#005, HOP#033, HOP#052, HOP#088, HOP#097 iyo HOP#098. Goobta lagu wado in ay dooorashada ka dhacdo ayaa ammaankeeda waxaa sugaya ciidamo isugu jira kuwa dowladda Soomaaliya iyo AMISOM, kuwaas oo dhowaan gaaray maaalada, waxaana ay yihiin kuwa gaaf wareegaya goobta doorashada magaalada Jowhar. Taliyaha booliiska dowlad goboleedka Hirshabeelle ahna taliyaha amniga doorashooyinka golaha shacabka ayaa wareegto uu soo saaray waxaa uu ku magacaabay taliyeyaal cusub kuwaas oo sugaya ammaanka halka loo asteeyey doorashada golaha oo barri ka bilaabanaysa magalaada. Halkaan ka akhriso magacyada taliyeyaasha. Yaa ku fadhiyay Lixda kursi ee doorashadooda la shaaciyay ? HOP#005 : waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Maxamed Cumar Caymoy HOP#033 : waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Yuusuf Ibraahim Afrax HOP#052: waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Farxiya Maxamuud Dhaqane HOP#088 : waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Dahabo Suusow Maxamed HOP#097 : waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye HOP#098 : waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Maxamuud Maxamed Jaamac Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites