Deeq A. Posted January 30, 2022 Madaxweyne laga codsaday inuu xilka sii hayo Ra’iisal wasaaraha Talyaaniga, Mario Draghi, ayaa ka codsaday madaxweyne Sergio Mattarella inuu xilka sii hayo, kadib markii uu baarlamaanka waddankaas maalintii lixaad ku heshiin waayay musharraxa bedalaya. Mattarella oo 80 jir ah ayaa marar badan sheegay inuu doonayo inuu shaqada ka fariisto marka ay dhammaato muddo xileedkiisa la doortay ee todobada sano ah. Warbaahinta Talyaaniga ayaa sheegay in ra’iisal wasaaraha uu ka codsaday madaxweynaha inuu eego danaha qaranka. Hogaamiyayaasha xisbiyada Talyaaniga ayaa ku guuldaraystay inay ku heshiiyaan musharrax qura oo bedali kara Mattarella, inkastoo ay heshiis ku yihiin in xilkaas markii ugu horreysay taariikhda loo doorto qof dumar ah. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites