Deeq A. Posted January 30, 2022 Waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur galbeed ayaa waxaa saaka oo Axad ah ka bilawday doorashada shan kamid ah kuraasta golaha shacabka ee deegaan doorashadooda tahay Koonfur galbeed. Kuraasta maanta la dooranayo ayaa ayaa kala ah kuraasta tirsigoodu yahay HOP#188, HOP#185, HOP#175, HOP#159 & HOP#177. Yaa ku fadhiyo hadda kuraastaan? HOP#188: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Aadan Ibraahim Dhaayow HOP#185: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Cali Aadan Xuseen HOP#175: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Axmed Xaaji Maxamed HOP#159: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Xasan Ibraahim Maxamed HOP#177: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow Yaa u tartamaya hadda? HOP#188,:Waxaa u tartamaya musharixiinta kala ah Cabdisamed Aadan isaaq & Maxamed Cabdi Maxamed. HOP#185: Waxaa u tartamaya musharixiinta kala ah Maxamed Nuur Maxamed & Cabdiraxmaan Isaaq Maxamed. HOP#175:Waxaa u tartamaya musharixiinta kala ah Aadan Maxamed Ibraahim, iyo Cabdirishiid Nuur Jilley. HOP#159: Waxaa u tartamaya musharixiinta kala ah Maxamed Barre Maxamuud & Cabdullaahi Maxamed Isaaq. HOP#177: Waxaa u tartamaya musharixiinta kala ah Maxamuud Abuukar Kheyre & Cabduqaadir Sheikh Cali Baraka. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites