Sign in to follow this  
Deeq A.

Bisad si weyn loogu soo dhaweeyay Aqalka Cad ee Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Bisad si weyn loogu soo dhaweeyay Aqalka Cad ee Mareykanka

Qoyska Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa soo dhaweeyay bisad labo jir ah oo lagu magacaabo Willow.

Afhayeen u hadlay marwada koowaad ee dalka Maraykanka Jill Biden, ayaa sheegtay in mukulaasha cusub loogu magac daray magaaladii ay ku dhalatay ee Willow Grove, Pennsylvania.

Bisadan ayaa ah midii ugu horreysay ee ku noolato Aqalka Cad tan iyo maamulkii George W.Bush, taasi oo sababtay in Willow si weyn loogu soo dhaweeyo Aqalka Cad ee Mareykanka.

Sawirada bisadda, oo timo gaaban leh iyo indho cagaaran, ayaa waxaa Twitterka ku baahiyay afhayeenka marwada koowaad ee Mareykanka Jill Biden subaxnimadii Jimcaha.

“Willow waxay lagu soo dhaweeyay Aqalka Cad, waxayna jeceshahay in ay alaabta ku ciyaarto,” afhayeenka Mrs Biden, Michael LaRosa, ayaa sidaas ku yiri wakaaladda wararka ee Associated Press.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this