Deeq A. Posted January 29, 2022 Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta safar ugu baxay magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya. Safarka Madaxweyne Deni ugu baxay magaalada Nairobi ayaa la xiriira Arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya sida ay xaqiijiyeen dad lagu kalsoonyahay. Siciid Deni oo u sharraxan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay olole ugu jira hirgelinta damaciisa Villa Somalia. Safarkaa ayaa ku soo beegmay xilli ay dalka ka socoto Doorashada Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Siciid Deni oo safar ugu baxay waddanka Kenya appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites