Sign in to follow this  
Deeq A.

Ma Dhabbaa In Itoobiya Anaay Wax Saami Ah Ku Lahayn Dekedda Berbera??

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in heshiiskii ay Itoobiga %19 ku yeelanaysay saamiga Dekedda Berbera uu burburay.

Wasiirka oo marti ku ahaa barnaamijka “La hadal Horyaal” ee uu baahiyo muuqbaahiyaha Horyaal, ayaa sheegay in Somaliland iyo DP world oo kali ahi, ay leeyihiin faa’iidada kasoo baxd Dekedda Berbera, isla markaana Itoobiya aanay waxba ku lahayn.

“Saamiga shirkada DP world  Berbera la yidhaahdo waxaa iska leh DP world iyo Somaliland, Somaliland %35 ayay leedahay DP world-na %65,  heshiiska halkaa lagu galay ee sidaa loo kala qayb saday saamiga Itoobiya qayb kama aha” ayuu yidhi Wasiir Shire.

Wasiir Shire ayaa sheegay in aanu jirin heshiis rasmi ah oo dowlada Itoobiya qayb lagaga siiyay saamiga Dekedda Berbera, isla markaana uu jiray kaliya isfaham arrintaa layskula soo qaaday, is fahamkaas oo markii danbe aan hirgalin.

“2017 bishii February, shir lagu galay Abu Dhabi oo qolada Itoobiyaan kuna yimaadeen, ayaa waxaa jiray isfaham ah in %19 la siiyo dowlada Itoobiya lakiin muu dhaqan galin” ayuu yidhi Wasiir Shire.

Burburka ku yimid is fahamkii lagu doonayay in saami dhan %19 faa’iidada Dekedda Berbera lagaga siiyo Itoobiya, ayaa heshiiska ka dhigaya in DP world ay yeelanayso %65, Somaliland-na yeelanayso %35, sida uu sheegay wasiir Shire.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this