Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey dabeylo ku dhuftay KISMAAYO + khasaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa qaybo ka mid ah ku dhuftay saddexdii maalin ee lasoo dhaafay dabeylo xoogan oo saameyn ku yeeshay dadka dan yarta ah ee ku nool gudaha magaaladaasi.

Dabeylaha ayaa si gaar ah ugu dhuftay xaafadda Midnimo ee magaalada Kismaayo, halkaas oo dib u dajin looga sameeyey qoysaskii kasoo laabtay xeryaha Kenya ee Dhadhaab.

Bacaad ayaa ku rogmaday xaafadda, waxaana ku dumay illaa lixdan guri, kadib markii ay caradu qarisay guryahaas oo ay daganaayeen qoysas dan yar ah.

Guddoomiyaha xaafadda ay musiibada ka dhacday, Mahad Maxamed Xasan oo la hadlay VOA ayaa ka warbixiyey inta gaarsiinsan tahay dhibaatada ka dhalatay dabeylahaasi, wuxuuna tilmaamay inay qaylo dhaan u direen dowladda hoose, una soo gurmatay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in inta badan laga barakacay xaafadda Midnimo, kadib dabeylaha ku dhuftay xaafaddaasi.

“Guryo dhowr ah oo fara badan oo ugu yaraan illaa lixdan gaaraya ayey saameysay musiibado oo laga barakacay,” ayuu yiri Mahad Maxamed Xasan.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Maamulka dowladda hoose waa mahadsanyihiin waan u cabanay illaa shalay illaa maanta ayey nala taagan yihiin,” ayuu sii raaciyey.

Arrintan ayaa waxaa loo sababeynayaa is-bedalka cimilada iyo sidoo kale dhirta laga jaray deegaanka, waxaana Kismaayo ay ka mid tahay magaalooyinka dhaca xeebaha ee Somalia.

The post Wararkii ugu dambeeyey dabeylo ku dhuftay KISMAAYO + khasaaraha appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this