Sign in to follow this  
Deeq A.

Koonfur Galbeed oo shaacisay 13 kursi oo lagu dooranayo magaalada Baraawe

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga doorashada heer dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa shaaciyay qabashada doorashada kuraasta ugu horreeysa ee Golaha Shacabka ee  lagu dooranayo Magaalada Baraawe.

Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada ayaa lagu soo bandhigay Liiska 13-ka kursi ee doorashada Golaha Shacabka ee ka dhaceysa Magaalada Baraawe oo ah deegaan doorashada labaad ee horay loogu qorsheeyay maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale Guddiga doorashada ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay shaacin doonaan Odayaasha dhaqanka iyo Bulshada Rayidka ee soo xulaya ergada wax dooraneysa, ayna soo saari doonaan Jadwalka doorashada 13-ka kursi.

1-18.jpg?resize=720%2C1019&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Koonfur Galbeed oo shaacisay 13 kursi oo lagu dooranayo magaalada Baraawe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this