Sign in to follow this  
Deeq A.

Lix qof oo ku dhintay shil ka dhacay Gobolka Nugaal

Recommended Posts

Deeq A.   
shil.jpg?resize=960%2C640&ssl=1

Lix ruux ayaa ku geeriyooday, saddex kalena waa ku dhaawacmeen, shil gaari oo maanta ka dhacay laamiga u dhexeeya tuulooyinka Salaama iyo Libaaxa, oo ka tirsan Gobolka Nugaal.

Mas’uuliyiinta Gobolka Nugaal iyo Saraakiisha Booliiska, oo gaaray goobta shilkaas ka dhacay, ayaa xaqiijiyay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca shilka.

Mas’uuliyiinta ayaa gurmad u fidiyay dadkii ku dhaawacmay shilka, waxaana loo qaaday isbitaalka guud ee magaalada Garoowe.

Shilalka gaadiidka ayaa muddooyinkan dambe ku soo badanaya jidka laamiga ah, ee u dhexeeya caasimadda Garoowe iyo degmada Dangoroyo ee Gobolka Nugaal.

1-17.jpg?resize=960%2C640&ssl=1 2-23.jpg?resize=960%2C640&ssl=1 3-6.jpg?resize=960%2C640&ssl=1 4-6.jpg?resize=960%2C640&ssl=1 5-1.jpg?resize=960%2C640&ssl=1 6-1.jpg?resize=960%2C640&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Lix qof oo ku dhintay shil ka dhacay Gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this