Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga oo loo gudbinayo dacwad ka dhan ah ciidamada ay Somalia u tababarto

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynihii 2-aad ee maamul Goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in Dowladda Turkiga ay u gudbinayaan Dacwad ka dhan ah Ciidamada ay u tababarto Soomaaliya oo ka qaybgalay dagaallo ka duwan ujeedka ay u tababartay Ciidankaas.

Waare ayaa sheegay in Ciidamada Gorgor & Haramcad ay ku lug leeyihiin dagaallo “Dano gaar ah uu ka leeyahay Farmaajo”, sidaas awgeed la joogo waqtigii Dowladda Turkiga ay dib u qiimeyn ku sameyn lahayd raad-raaca waxa ay sameeyeen Ciidamadaan.

“Dowladda Turkiga oo ciidanka Baladweyne la geeyay tababartay dacwad rasmi ah ayaan u gudbineynaa, waxa aan ka dalbaneynaa in ay dib u qiimeyn ku sameyso siyaasadda amni ee Soomaaliya, ma waxa aad ciidan noogu tababartaan Ciidan aan ogeyn Wasaaradda Gaashaandhigga & Ra’iisul Wasaaraha meesha la geynayo” ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare.

Madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle ayaa dalbaday in laga hortago tacadiyo ka dhalan kara Ciidamada gaarka u tababaran ee Villa Somalia geysay Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan oo buuq badan ka dhashay.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble & Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen waxa uu ka dalbaday in ay u istaagaan kahortagga isku dhac ka dhasha saameynta aan wanaaganeen ee ka dhalatay ciidamada Farmaajo geeyay Baladweyne.

The post Turkiga oo loo gudbinayo dacwad ka dhan ah ciidamada ay Somalia u tababarto appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this