Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal u dhaxeeyo Al-shabaab iyo ciidamada Dowladda oo ka socda duleedka Balcad

Recommended Posts

Deeq A.   

Balcad (Caasimada Online) – Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo Dagaalemayaasha Al-shabaab ayaa ka socda deegaanka Muki-dheere oo hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada dowladda ku leeyihiin deegaanka Muki-dheere.

Caasimadda Online oo la hadashay dadka deegaanka ayaa u xaqiijiyey inay maqlayaan hub culus oo ay is dhaafsanayaan labada dhinac.

Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac iyo dad Shacab ah, inkastoo aan weli tirada saxda ah la ogaan.

Deegaanka Muki-dheere ayaa waxaa Talaadadii la wareegay ciidamada Dowladda, ka dib dagaal saacado socday oo ay la galeen dagaalameyaasha Al-shabaab oo hore ugu sugnaa halkaas.

Dagaalka ayaa weli socda, waxaana qeybo kamid ah halka lagu dagaalamayo gudaha u galay maleeshiyada Al-Shabaab.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waxaad uga bogan doontaan wararkeena soo socdo Inshaa Allah.

The post Dagaal u dhaxeeyo Al-shabaab iyo ciidamada Dowladda oo ka socda duleedka Balcad appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this