Sign in to follow this  
Deeq A.

Magacyada iyo beelaha 10 xildhibaan oo maanta loo doortay Golaha Shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli dalka kasii socota doorashada Golaha Shacabka, ayada oo maanta la doortay xildhibaano dhowr ah, kuwaasi oo doorashadooda ka dhacday magaalooyinka Muqdisho, Dhuusamareeb iyo Garoowe.

Doorashada lagu qabtay Muqdisho oo aheyd kuraasta gobollada waqooyi, ayaa waxaa maanta lagu doortay saddex xildhibaan, kuwaasi oo aan gelin dhamaantood wax loolan ah, loona tanaasulay, islamarkaana ku soo baxay codeyn gacan taag ah.

Hoos ka aqriso magacyada Xildhibaanada iyo beelaha ay kasoo jeedaan:

1. Siciid Maxamed Maxamuud, (Muuse Dhariyo), HOP244
2. Ifraax Maxamed Cawad (Habar-jeclo, Isaaq, Dir), HOP037
3. Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir (Habar-jeclo, Isaaq, Dir), HOP238

Dhuusamareeb: doorashada ayaa waxaa kusoo baxay saddex xildhibaan, kuwaasi oo musharaxiintii kala kaga adkaaday tartanka. Hoos ka aqriso magacyada iyo beelaha ay kasoo jeedan:

1. Saadaq Cumar Xasan “Saadaq John” – (Saleebaan, Habar-gidir, Mogadishu Clan), HOP248
2. Maxamed Ibraahim Cali “Maxamed Cajiib” – (Waceysle, Abgaal, Mogadishu Clan), HOP064
3. Qaali Axmed Diiriye (Aarsade, Duduble, Mogadishu Clan), HOP096

Sidoo kale magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland ayaa waxaa lagu doortay Afar xildhibaan, kuwaasi oo kuraastooda kala ahaa HOP#128, HOP#223, HOP#232 iyo HOP#144. Hoos ka aqriso magacyada xildhibaada kusoo baxay iyo beelaha ay kasoo jeedaan:

1. Maxamed Cabdiraxmaan Xayle – (Carab Salax), HOP128
2. Xirsi Jaamac Gaani – (Awrtable, Daarood), HOP223
3. Fardowsa Ismaaciil Cigaal – (Leelkase, Daarood), HOP232
4. Cabdiqafaar Cilmi Xaange – (Majeerteen, Baciid-yahan), HOP144

Doorashada Golaha Shacabka ayaa haatan si dardar leh uga socota maamul goboleedyada iyo Muqdisho, waxaana sida qorshaha yahay in la soo gaba-gabeeyo 25-ka bisha Febraayo.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa ku daahday xaaladda adag ee kala guurka ah, kadib is qab-qabsiyo xoogan oo hareeyey hannaanka doorashooyinka dalka, kuwaasi oo dhowr jeer dib u dhigay jadwalada doorashada.

The post Magacyada iyo beelaha 10 xildhibaan oo maanta loo doortay Golaha Shacabka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this