Deeq A. Posted January 27, 2022 Afgooye (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa fal dil ah oo barqanimadii maanta ka dhacay qaybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dilka oo ahaa mid qorsheyan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay Sheekh Nuur Sayid Cali oo ka mid ahaa dadka deegaanka, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Sidoo kale wararka aan helnay ayaa sheegaya in marxuumka uuo ka tirsanaa ergada doorashada ee xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya. Toogashada ayaa si gaar ah uga dhacday xaafadda Baalguri ee degmada Affgooye, ayada oo ay fuliyeen rag k hubeysan bistoolado oo goobta isaga baxsaday, kadib dhacdada. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta, balse ma jirto ay cid usoo qabteen dilkaasi, welina kama hadal dhacdadan saraakiisha ammaanka iyo maamulka Afgooye. Dilkan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darrida ah ee xilligan ka dhacaya degmada Afgooye oo ay inta badan weeraro ka fuliyaan xoogaga Al-Shabaab. Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa sii kordhayey amni ka jirta dalka, taas oo loo sababeynayo daaha doorashooyinka iyo ku milanka siyaasaddda ee saraakiisha ciidanka. The post Sheekh Nuur Sayid Cali oo maanta lagu dilay Aafgooye appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites