Sign in to follow this  
Deeq A.

Ingiriiska oo Ruushka ugu hanjabay cuna-qabatayn

Recommended Posts

Deeq A.   

Kadib markii Ruushku uu xadka Ukraine ka bilaabay dhoolatus milatari, ayuu Ra’iisul wasaaraha Britain Boris Johnson ugu hanjabay Moscow cunaqabatayn aan hore loo arag haddu arrinkaas ka baaqsan waayo.

Boris Johnson ayaa intaa ku daray in dalkiisu uu Isha ku hayo dhammaan Talabooyinka daan daansiga ah ee uu waddo Ruushka, taana ay keeni doonto in cunaqabatayn dhaqaale lagu soo rogo Xukuumadda Ruushka.

Ra’iisul wasaaraha Britain ayaa sidoo kale caddeeyay inuu diyaar u yahay inuu mar kale la hadlo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, si uu ugu digo daandaansiga ka dhanka ah Ukraine.

PUNTLAND POST

The post Ingiriiska oo Ruushka ugu hanjabay cuna-qabatayn appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this