Deeq A. Posted January 27, 2022 Waxaa xerada ciidamada 54-aad ee Garowe ka socota doorashada afar kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Doorashada ayaa ah mid natiijadeeda la ogyahay, sidaan horay u baahinay, maadaama musharaxiin gaara loo xiray kuraasta. Kursiga kowaad oo sumadiisu tahay Hop#128 ee Beesha Carab Saalax, oo laga soo doorto Gobolka Nugaal/Garowe, waxaa durba ku soo baxay Maxamed Cabdiraxmaan Axmed Xayle. Waxaa horay ugu fadhiyay Maxamed Cabdikaafi Maxamed. Kursiga labaad oo sumadiisu tahay Hop#223 ee Beesha Awrtable, lagana soo doorto Gobolka Nugaal/Buurtinle, waxaa ku soo baxaya Wasiiru-dowlaha Maaliyadda Jubaland Xirsi Jaamac Gaani. Waxaa horay ugu fadhiyay Cabdiraxmaan Axmed Jaabir. Kursiga saddexaad oo sumadiisu tahay Hop#232 ee Beesha Leelkase lanaga soo doorto Gobolka Mudug/Galdogob, waxaa ku soo baxaya Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland Fardowsa Cismaan Cigaal. Waxaa horay ugu fadhiyay Cabdirashiid Daahir Gaboobe. Kursiga afraad oo sumadiisu tahay Hop#144 ee Beesha Reer Biciidyahan (Majeerteen), lagana soo doorto Gobolka Mudug/ Cagaaran, waxaa ku soo baxaya Wasiirka Qorshaynta Puntland Cabdiqafaar Cilmi Xaange. Waxaa horay ugu fadhiyay Faysal Cabdulle Guuleed. PUNTLAND POST The post Doorasho natiijadeeda la ogyahay oo ka socota Garowe appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites