Sign in to follow this  
Deeq A.

Agaasime Dowladda U Shaqeeyo Oo Muqdisho Lagu Dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Kooxo ku hubeysan Baastoolado ayaa caawa gudaha magaalada  Muqdisho ku dilay agaasime la sheegay inuu ka tirsanaa xukuumadda federalka Soomaaliya, waxaana laga helayaa warar kala duwan dilka caawa dhacay magaalada.
Safiya Abuukar Karaani ayaa aheyd agaasimihii maamulka iyo maaliyadda wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada, ayaa la sheegay in caaws lagj dilay meel aan ka fogeyn madaxtooyada Soomaaliya.

Kooxii dilka u geystay marxuumadda ayaa goobta isaga baxsaday, ciidamo ka tirsan dowladda oo goobta soo gaaray ayaa ka sameeyey baaritaanno, wallow aan la shaacin cid illa hadda loo qabtay dilka agaasimaha
Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda Soomalaiya.

Magaalada muqdisho ayaa marar badan sidaan oo kale waxaa horay uga dhacay dilal ay noocaan oo kale ah, kuwaas oo mas’uuliyaddooda ay qaataan ururka Shabaab.

received_666467304697118.webp

Goobjoog zNews

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this