Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Rooble oo heshiis cusub kala dhex dhigay Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka, kaasi oo looga hadlay khilaafka cusub ee ka qarxay doorashada kuraasta gobolada Waqooyiga.

Kulanka ayaa waxaa is-afgarad looga gaaray khilaafka cusub ee doorashada, kadib markii Garab uu hogaaminayo Cabdi Xaashi ay sheegen inay ka baxeen doorashada, kuna eedeeyen Rooble in uu boobay kuraasta reer Waqooyiga.

Heshiiska is-afgarad ee maanta laga gaaray xiisada Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi ayaa waxa uu dhigaya inay si wada-jir ah Ra’iisul Wasaaraha ugala shaqeeyaan dhameystirka doorashada XildhibaanADA Golaha Shacabka ee kasoo jeeda gobolada Waqooyi.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dadaal badan ku bixiyay si markale la iskugu keeno labada garab ee siyaasiyiinta reer Waqooyiga u kala jabeen, waxaana heshiiskan qeyb ka ahaa xubno ka tirsan Golaha Shacabka.

Dhawaan unbey aheyd markii ay doorashada qaadaceen garab uu hogaaminayo Guddoomiye Cabdi Xaashi, kadib jadwalkii u dambeeyay ee doorashada reer Waqooyiga, kaasi oo shalay doorashadooda lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Si kastaba, khilaafka doorashada ee kuraasta gobolada Waqooyiga ayaa soo noq-noqday, ayada oo marar dhowr ah maamulkeeda isku qabteen Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka.

Cabdi-Xaashi-Mahdi-Rooble.jpeg?resize=69 Rooble-Mahdi-Cabdi-Xaashi.jpeg?resize=69 272833134_282419770653843_89921586373744 Cabdi-Xaashi-Mahdi-Guuleed.jpeg?resize=6

The post Sawirro: Rooble oo heshiis cusub kala dhex dhigay Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this