Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Xukuumadda Rooble ‘oo qaadeysa’ TALLAABO ka dhan ah ciidanka la geeyey magaalada Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Jeneraal Mukhtaar, oo caawa waraabinta kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa kasoo horjeestay ciidankii maanta la geeyey magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Wasiirka ayaa sheegay in maanta shir deg deg ah ay xiisadda Beledweyne ka yeesheen xildhibaanada iyo siyaasiyiinta kale ee beesha Xawaadle, islamarkaana ay si wadajir ah uga soo hor jeedaan qorshihii ciidanka lagu geeyey Beledweyne.

“Markii aan Ra’iisul wasaaraha iska wareysanay arrintaas, waxuu ii sheegay in xukuumaddu ay war ka soo saari doonto qaabka ciidanka lagu geeyey Beledweyne, waa arrin aysan xukuumaddu ka war qabin, mana jirto cid kala tashatar Ra’iisul wasaaraha oo mas’uuliyadda doorashada ay saaran tahay,” ayuu yiri Jeneraal Mukhtaar.

Wasiirka arrimaha gudaha XFS ayaa ku celceliyey in xukuumaddu ay go’aan ka soo saari doonto xiisada Beledweyne iyo qorshaha ka dambeeya ciidanka la geeyey maanta, islamarkaana ay qaadi doonta tallaabo ka dhan ah.

Waxa uu sheegay in Beledweyne ay ka taagan tahay xurguf siyaasadeed, balse aysan joogin argagixiso dowladda ku qasbeysa inay cudud ciidan ku wajahdo, isagoo saraakiisha kula taliyey in ciidankaas ay ku soo celiyaan xeryahooda.

Hoos ka daawo

The post Daawo: Xukuumadda Rooble ‘oo qaadeysa’ TALLAABO ka dhan ah ciidanka la geeyey magaalada Beledweyne appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this