Sign in to follow this  
Deeq A.

Mideeye iyo Sincad oo walaac ka muujiyay dimoqraadiyadda Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Urur siyaasadeedyada Mideeye iyo Cadaaladda & Sinnaanta (Sincad) ayaa walaac weyn ka muujiyay sii socoshada iyo hirgelinta dimoqraadiyadda Puntland.

Labada urur siyaasadeed ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen goordhaweyd ku sheegay in qabasho la’aanta kalfadhiga 1aad ee goleyaasha deegaanka Qardho, Eyl iyo Ufeyn ay markhaati cad u tahay in aysan dhab ka ahayn dowladda hirgelinta dimoqraadiyadda Puntland.

Mideeye iyo Cadaaladda & Sinnaanta ayaa warkan soo saaray saacado kadib markii Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland shaacisay in dib loo dhigay fariisinta goleyaasha deegaanka saddexda degmo oo mudeysnaa beri oo ku beegan 27 Jannaayo 2022. Wasaaraddu ma sheegin sababta dib u dhaca keentay iyo xiliga kale ee la qaban doono.

Doorashadii saddexda degmo ee 25 Oktoobar 2021, urur siyaasadeedka Kaah, oo Deni hoggaamiyo ayaan helin codad ka badan wadarta codadka Mideeye iyo Cadaaladda & Sinnaanta, oo doorashadii kaddib, samaystay isbahaysi siyaasadeed.

FB_IMG_16432185213162130.jpg?resize=695%

PUNTLAND POST

The post Mideeye iyo Sincad oo walaac ka muujiyay dimoqraadiyadda Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this