Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganacsade Soomaali Ah Oo Caan Ka Ahaa Gudaha Magaalada Cape Town Oo Lagu Dilay Dalka Koonfur Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Cape town)-Budhcad hubeysan oo Koonfur Afrikaan ah ayaa waxa ay deegaan ka tirsan Magaalada Cape-town ee dalkaas ku dileen Ganacsade Soomaali oo caan ka ahaa gudaha  Cape-town, sida ay sheegayaan wararka laga helayo halkaas.

Nin la dilay oo Ganacsade ahaa ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Cadde Xasan Cadaan, waxaana dilkiisa loo adeegsaday rasaas, xilli uu marayay deegaanka Philipi oo ka tirsan Magaalada Cape-town.

Marxuum Cadde Xasan ayaa waxaa la sheegay inuu gaadhi ku wareejin jiray Rooti, si looga Ganacsado ama looga iibsado, isla markaana waxaa uu u geeriyooday weerar loo adeegsaday rasaas oo ay ku qaadeen budhcad hubeysa oo dooneysay inay dhacaan.

Booliska Koonfur Afrika ayaa la tilmaamay inay wadaan baadhitaano ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay dilka loo geystay nin Soomaaliga, waxaana la rumeysan yahay in wax natiijo ah kasoo bixin doonin baadhitaanka ay wadaan Booliska.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this