Sign in to follow this  
Deeq A.

TPLF Oo Soo Rogaal Celisay Saddex Degmana Qabsatay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Madaxa xafiiska isgaadhsiinta dowladda ee deegaanka Cafarta ayaa sheegay ciidamada TPLF inay dagaal ku soo qaadeen deegaanka Cafarta ayna qabsadeen seddex degmo.

Axmed Kaloyta wuxuu sheegay maalmihii la soo dhaafay xoogagga TPLF inay seddex degmo ay ku soo qaadeen weerarro ay u adeegsanayeen hubka culus.

Dagaal toddobaadkii hore ka dhacay xadka ay wadaagaan deegaannada Tigraay iyo Cafarta ayaa labada dhinac midba midka kale wuxuu ku eedeynayey inuu dagaalku isagu billaabay.

Warsaxafadeed ka soo baxay xafiiska isgaadhsiinta dowladda ee deegaanka Cafarta waxaa lagu sheegay inay TPLF dagaal ku soo qaadeen ayna qabsadeen degmooyinka Abcala, Magaale iyo Baraxle.

Dagaalka TPLF ay ku soo qaadeen deegaanka Cafarta wuxuu ku tilmaamay mid ay uga gol leeyihiin inay aargoosi sameeyaan maadaamaa TPLF lagu jabiyey dagaalkii u dambeeyey ee looga saaray degmooyinka ay ka qabsadeen deegaanka Cafarta.

TPLF dhankooda waxay sheegeen ciidamada deegaanka Cafarta inay dagaalka iyagu soo qaadeen si ay u carqaladeeyaan howlaha gargaarka bani’aadanimo ee Tigraay uga yimaadda dhinaca deegaanka Cafarta.

TPLF waxay ciidamada Eritrea iyo kuwa deegaanka Cafarta ay ku eedeysay aagga Abcaala inay ku soo qaadeen dagaal qorsheysan, iyaga oo dowladda dhexena ku eedeeyey dagaalka iney iyadu ka dambeyso si loo joojiyo gargaarka bani’aadanimo ee deegaanka Tigraay loo wado.

Axmed waxaa kale uu sheegay degmooyinka ay TPLF dagaalka ku qabsadeen oo ku teedsan xadka ay Tigraay la wadaagaan iney dad badan ku barakaceen dagaalkana uu geystay dhibaatooyin lixaad leh.

Wuxuuna sheegay dagaalka cusub ee ay TPLF ku soo qaadday deegaanka Cafarta inuu hor istaagay dadaal ay dowlad deegaanka Cafarta ugu jirtay iney deegaannadii ay ka soo barakaceen dib uga celiso kumannaan shacab ah oo ay dagaalladu barakiciyeen.

Illaa iyo haddana lama oga khasaaraha rasmiga ah uu dagaalkan cusub u geystay shacabka ku nool seddexdaasi degmo ee TPLF qabsadeen maadaamaa uu dagaalku uu weli sodo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this