Sign in to follow this  
Deeq A.

Abiy Ahmed Oo Sheegay Inuu Wadahadallo Xabbad-joojin Ah La Furayo TPLF

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Raysal wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in ay jiri doonaan wadaxaajood xabbad-joojin ah oo dhexmari doona dowladdiisa iyo ciidamada kasoo horjeeda ee Tigreega oo dagaal ku jiray ku dhawaad 15 bilood, sida uu wakaaladda AP u sheegay guddoomiyaha koox qurbojoog ah oo kulan gaar ah la qaatay.

Raysal wasaare Abiy Axmed weli meel fagaare kama sheegin hadalkan oo kale, iyadoo dadaallada dhexdhexaadinta caalamiga ah ay socdaan.

Mesfin Tegenu, oo ah guddoomiyaha guddiga xidhiidhka arrimaha Mareykanka iyo Itoobiya, ayaa salaasadii ku tilmaamay qaabkii kulan shanta saacadood qaatay oo Sabtidii uu la yeeshay raysal wasaaraha ” rabitaan dhab ah oo lagu joojinayo dagaalka’, taaas oo uu rajenayo in dhinaca kale ee TPLF ay iyaganu raalli ka yihiin wadahadalka.

Waxa uu sheegay in Abiy u sheegay inay jiri doonaan wadaxaajooyo uu ku tilmaamay kuwa macquul ah oo ‘ilaalin doona danta guud’ ee qaranka.

Ma jiro wax hadal ah oo markiiba kasoo baxay afhayeenka Abiy, Billene Seyoum, ama afhayeenka ciidammada Tigray Getachew Reda oo ku saabsan warbixinta Mesfin Tegenu ee ah in Raysal Wasaare Abiy diyaar u yahay wadahadal uu la galo TPLF.

Maraykanku wax tafaasiil ah kama bixini Ergayga Geeska Africa David Satterfield oo booqashadii ugu horreysay ku tagay Itoobiya toddobaadkii hore. Shalay ayay, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanku sheegtay inuu u safri doono Masar, Imaaraadka Carabta, Turkiga iyo Israa’iil illaa 4-ta February si uu ugala hadlo guud ahaan Suudaan iyo Geeska Afrika.

Qiyaastii tobannaan kun oo qof ayaa lagu dilay dagaalka Itoobiya, malaayii kalena waa ay ku barakaceen, iyadoo ilaa 6 milyan oo qof oo Tigray ah ayaa weli ku jira go’doomin dowladdu meesha uga saartay inta badan cunto gargaar, daawooyin, lacag caddaanka ah, shidaal iyo agab kale oo si aad ah ay ugu baahan yihiin dadka gobolka Tigreega.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this