Sign in to follow this  
Deeq A.

Joe Biden Oo Cunaqabateyn Ugu Hanjabay Ruushka Iyo Moscow Oo Ka Digtay Cunaqabateyn La Saaro Vladmir Putin

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Moscow)-Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ugu hanjabay Ruushka inuu la kulmi doono ciqaab adag oo ay ku jirto in madaxweyne Vladmir Putin shakhsi ahaantiisa la saari doono cunaqabateyn haddii Ruushku uu Ukraine ku weeraro 127,000 oo ah ciidanka Ruushku keenay xuduudda labada dal.

“Waxaan goor hore u sheegay Madaxweyne Putin in haddii uu u dhaqaaqo Ukraine, ay jiri doonto cawaaqib xumo ay la kulmi doonaan, oo ay ku jiraan cunaqabatayn dhaqaale oo weyn” ayaa yidhi Biden.

Wuxuu Biden xusay in 8,500 oo askari oo Maraykan ah la galiyay heegan sare todobaadkan, kuwaas oo tegi doona dhulka Ukraine, isagoo sheegay in howlgalkan aanuu aheyn mid Mareykan oo kaliya, laakiin ay uu yahay hormuud ay ka tahay NATO, hase yeeshe ma sheegin goorta uu go’aansan karo in ciidamadaas la geeyo Ukraine.

Biden waxa uu sheegay inuu la hadlay dhammaan xubnahaa uruurka NATO, isla markaana ay isku fikir ka yihiinn difaaca dalka Ukraine.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy ayaa khudbad laga sii daayay telefishinka salaasadii dadweynaha ku booriyay inay mujiyaan xasilooni.

Dhan kale Madaxtooyada Russia ee Kremlin-ka ayaa sheegtay in cunaqabateyn shaqsi ah oo lagu soo rogo madaxweyne Vladimir Putin ayna wax saameyn ah yeelan doonin, ayna ka hor-iman doonto dadaallada lagu yareynayo xiisadda Ukraine.

“Siyaasad ahaan, ma xanuun badna ee waa mid wax burburineysa,” waxaa sidaas weriyayaasha u sheegay Dmitry Peskov oo ah afhayeenka Putin.

“Xubnaha Congress-ka iyo Senetarada Mareykanka oo aan aqoon mowduucan ayaa ka hadlaya xayiraadda hantida wakiilada hoggaanka Russia,” ayuu yidhi Peskov.

Waxa uu sheegay “in ayna laheyn khibrad” sababtoo ah saraakiisha sare ee Russia waa ka mamnuuc inay hanti u taallo dibedda.

Xiisadda ku aadan Ukraine ayaa sii xumaatay kadib markii Reer Galbeedka ay ku eedeeyeen Kremlin-ka inay ciidan gaadhaya 100,000 oo askari ku daabuleen xuduudda Ukraine ayaga oo qorsheynaya inay qabsadaan.

Moscow ayaa ku eedeysay Reer Galbeedka xiisaddan waxayna soo gudbisay liis dalabyo ah, oo ay ka mid yihiin in la damaanad qaado in Ukraine ayna marnaba ku biireyn NATO iyo in ciidamada NATO laga saaro aagga Soviet-ka.

Wakiilo sare oo ka socda dalalka Jarmalka, Ruushka, Faransiiska iyo Ukraine ayaa la filayaa inay Arbacada maanta ah Paris ku yeeshaan wada-hadallo ku saabsan Ukraine.

“Waxaan rajeynayaa in wada-hadal furan oo wanaagsan uu dhici doono kana soo bixi doonto natiijada ugu wanaagsan,” ayuu yidhi Peskov.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this