Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Sarrayntii Sharciga Ee Aad Ololaha Ku Gashay Ma Waxaad Ku Bedeshey Sarraynta Qabiilka?

Recommended Posts

Deeq A.   

Laba dhacdo oo isku mid ah ayaa dhacay todobaadkan, Madaxweynuhu mid wuu ka ficil qaatay oo ka jawaabay midna waa ka indha qarsaday, labada dhacdo midi way la qalloocnaatay  midna way la qumanaatay madaxweynaha sababta mooyi!

1. Midda hore dhowaan rag ku hadlayey magaca beesha madaxweynaha ayaa ka hadlay xaafadda Goljano ee Hargeysa waxay u hanjabeen guddoomiyaha xisbiga Wadani Xirsi Cali Xaaji Xasan. Waxay ka hadlayeen oo warkaa ku duubeen makarafoonka TV. ga Qaranka.

Waxay raggaasi sheegeen in Xirsi deggan yahay xaafadda Goljano xaafaddanina ay tahay xaafaddii madaxweynaha in Xirsi halkan madaxweynaha ka maagana aanay u dulqaadan doonin, gurigiisa inay ciyaal xaafad ku so diri doonaan ayaa mid ka mid ahi sheegay warkaaa waxa laga sii daayey TV ga Qaranka, koley madaxweynuhu wuu daawaday sababtoo ah wixii uu raalli ka yahay ayuun baa halkaa laga sheegaa.

2. Dhacdada labaad rag ku hadlayey Beesha Samafale Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa degmada Oog ee gobolka Saraar ka hadlay.

Raggaasi waxay sheegeen in Cabdimaalik u xidhan yahay beel Muuse Biixi oday u yahay, waxayna ku hanjabeen inay ka jawaabi doonaan hadii tacadiga inankooda lagu haystaa sii socdo.

Madaxweynuhu arrinkan degdeg ayuu uga jawaabey raggii hadlayeyna waxa lagu ridey xabsiga magaalada Caynaba. Weliba raggan hadlayey rag xigaalkood iyo waayeelkoodii ah ayaa raalli gelin ka bixiyey. Halka dhacdada hore tv ga qaranka laga sii daayey. Wax raalli gelin ah iyo garawshiinyona aan laga bixin.

Hadaba labadan dhacdo wax badan waa iskaga mid laakin tallaabooyinka laga qaaday ayaa kala duwan, raggaa hore guddoomiyaja xisbiga Qaran ee Wadani ayay u hanjabeen weliba xaafaddiisii beegsadeen, waxayse difaacayeen madaxweynaha.

Halka ragga Oog ka hadlayna sidoo kale guddoomiye xisbiga kulmiye u hanjabeen oo reernimo ku tilmaameen.

Hadaba madaxweynuhu ma sharciga ayuu ilaaliyey mise eedaynta isaga la eedeeyey iyo reerkiisa ayuu ka damqaday una xidhay ragga Oog ka hadlayey

ma qabiil ahaan ayuu isaga celiyey ileen hadii uu sharciga ilaalinayo kuwa guddoomiye xisbi ee isaga la midka ah Hargeysa dhexdeeda ugu hanjabey ayuu iyagana talaabo ka qaadi lahaa!

Ugu dambayn waxaan madaxweynaha weydiinayaa meeday sarrayntii sharciga ee ummaddu kugu dooratay?

Ma qabiilkaaga iyo qofnimadaada wixii ku xun ayuun baad ka damqataa qaranka waxa ku xumina kuma dhibaan.

Madaxweyne ragga kugu sheegay madaxweynaha Goljano inaad tahay hoos bay kuu dhigeen oo madaxweyne Somaliland oo dhan baad tahaye maxaad iyagana tallaabo uga qaadi weydey maxaad ku jeclaatay in lagugu sheego madaxweyne reer Goljano ah inaad tahay.

Xoghayaha biyaha Xisbiga Waddani.

Bashiir Cumar Geelle Xiddig.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this