Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaybo ka mida Suuqa Bakaaraha-Muqdisho  oo u xidhan Kooxda Daacish+Qaabka lacagaha looga qaado

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaybo ka mida Suuqa Bakaaraha Muqdisho  oo u xidhan Kooxda Daacish

07350616-6b8a-4f0c-abf8-1551c6371e57.jpg
Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho

Wararka laga helayo suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in qaybo ka mid ah Suuqa la xiray ka dib markii kooxda Daacish ay lacago dheeraada ku soo rogtay ganacsatada.

Qaar kamid ah ganacsatada ayaa BBC-da u sheegay, in qaybaha xiran saaka ay ugu muhiim sanyihiin qayabaha lagu iibiyo qalabka dhismaha.

Ganacsatada ayaa sheegay in kooxda Daacish ay waydiisatay, boqolkiiba sodon inuu ka bixiyo qofka ganacsadaha ah hantida uu ku shaqeeyo.

Ganacsatada ayaa horey u bixin jiray lacago ay ku soo rogeen kooxda kale ee Al-Shabaab. Dawladda ayaa sidoo kale canshuur ka qaada ganacsatada.

f11b60c2-d88b-47ab-b69d-c694b3b770b9.jpg
Ganacsiga Suuqa Bakaaraha
e5663b4d-81f6-4318-9b6e-551bec425ac0.jpg
Suuqa Bakaaraha
d68a5eec-6b35-465b-ba92-3b8b5c5eae36.jpg
Suuqa Bakaaraha

Maxaa kala socotaa qaabka ay Shababaka iyo Daacish lacagaha dadka uga gurtaan?

Suuqa bakaaraha

Wararka laga helayo suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in qaybo ka mid ah Suuqa la xiray ka dib markii kooxda Daacish ay lacago dheeraada ku soo rogtay ganacsatada, inkastoo ay dowladdu ka tallisa magaalada.

Qaar kamid ah ganacsatada ayaa BBC-da u sheegay, in qaybaha xiran maanta ay ugu muhiim sanyihiin qayabaha lagu iibiyo qalabka dhismaha.

Ganacsatada ayaa sheegay in kooxda Daacish ay waydiisatay, boqolkiiba sodon inuu ka bixiyo qofka ganacsadaha ah hantida uu ku shaqeeyo.

Ganacsatada ayaa horey u bixin jiray lacago ay ku soo rogeen kooxda kale ee Al-Shabaab. Dawladda ayaa sidoo kale canshuur ka qaadda ganacsatada.

Hase yeeshee, ganacsatada oo dhibsatay dalabka canshuurta aysan awoodin ee ka yimid dhanka Daacish ayaa xiray meheradahooda si ay u muujiyaan iney lacagtaasi bixin karin sidaana ay shaqada ku joojiyeen.

Dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin arrintani wali.

Kooxaha Islaamiyiinta ee Soomaaliya ka dhaqdhaqaaqana daraasado arrintan lagu sameeyey waxay sheegeysaa iney lacago aad u badan ay gudaha Soomaaliya ay ka soo xareeyaan.

Xirmo lacag Soomaali ah

Ilaha dakhli ee Al-shabaab iyo Daacish ee Soomaaliya?

Al-Shabaab

Ururka Al-Shabaab ee ka dhaqdhaqaaqa Soomaaliya waxaa la sheegaa iney casnhuur ka badan tan ay dowladda ka soo xareyso ay gudaha Soomaaliya ka helaan iyaga oo adeegsanaya nidaam iyaga u gaar ah.

Warbixin uu Machadka Hiraal uu fadhigiisu yahay Muqdisho uu soo saaray waxaa lagu sheegay lacag lagu qayaaso $15 malyan oo doolar bishii, dakhligaasi oo ay ka soo xareeyaan sida alaabaha dibadda laga soo dajiyo, ganacsiga, beeraha iyo xoolaha.

Machadka oo xogta warbixintooda ay ku baahiyeen ku sheegay iney ka soo xigteen 70 qof oo isugu jira ganacsato, mas’uuliyiin dowladeed, xubno Al-shabaab ka goostay iyo xubno ka tirsan waaxda canshuur uruurinta.

Mid ka mid ah saraakiisha militariga dowladda Soomaaliya oo Hiraal u warramay wuxu usheegay guri uu dhisanayey inta u udhismahiisa waday Al-shabaab inuu canshur ahaan u siiyey $3,600 oo doolar si dhismaha gurigiisa u dhammeystiro.

Dagaallamayaasha ururka Al-Shabaab

“Ururka Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida canshuur ururrintooda ayaa si hufan u kordhay tani iyo markii ay hay’adda ‘Ting-Tang’ daabacday dhaqdhaqaaqa maaliyadeed ee ururka laba sana ka hor. Marka dadkan waxay ku jiraan ganacsiyo lacag sameyn ah” ayuu yiri Xuseen Sheikh Cali oo u ahaa la taliyaha amniga qaranka haatanna ah aasaasaha machadka Hiraal.

Warbixinta Hiraal waxay ku soo beegantay xilli ay khubaro ka tirsan Qaramada Midoobay ay sheegeen iney Al-Shabaab soo saarto lacago caddaan ah oo malaayiin lacag ahna loo mariyo nidaamka bangiyada caadiga ah.

“Lacagta ugu badan ee ay Al-shabaab hesho waxay ka soo xereeyaan Dakadaha, gaar ahaanna Muqdisho,” ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Machadka Hiraal Maxamed Mubaarak.

“Dakhliga kale ee ugu weyn ee ay Al-Shabaab soo xareeyaan waxay ka helaan waxa ay ugu yeeraan Zakawaatka oo ah canshuur diineed 2.5%, hantida qofka laga qaado” ayuu yiri Cali.

Xubin ka tirsan ururka ganacsatada Muqdisho oo magaciisa la qariyey oo u warramay Reuters wuxuu sheegay “arrintan inuu dooneyn inuu ka hadlo ciddi ka hadashana la dilayo.”

Sarkaal sare oo ka tirsan la dagaalanka argagixisada Soomaaliya ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay iney Al-Shabaab lacago malaayiin ah bil walba uruuriyaan balse ay adag tahay in la helo xog rasmi ah oo ku aaddan lacagaha ay soo xereeyaan.

Daacish waxay Farrii-qoraaleedyo hanjabaad ah u diraan ganacsatada iyo meheradaha si ay u dhiibaan canshuur
Daacish waxay Farrii-qoraaleedyo hanjabaad ah u diraan ganacsatada iyo meheradaha si ay u dhiibaan canshuur

Daacish

Ururka Daacish ayaa Soomaaliya howlgalladii ugu horreysay ka billaawday 2015-kii iyada oo ururka uu markii ugu horreysay uu ka soo muuqday buuraha Gobolka bari, waana aasaaska Daacish loo sababeeyaa inuu ku yimid kala jabkii ku yimid garabkii Al-Shabaab ee ka dagaallamayey Putland.

Wixii intaa ka dambeeyeyna Daacish wuxuu ku xoogeystay qaybo badan oo ka mid ah Koonfurta Soomaalya.

Waxaa saameyntooda korartay kadib markii snadihii la soo dhaafay kordhiyeen qadista lacagaha iyagoo inta badan shirkadaha kala duwan ee ganacsiga ka qaata lacago baad ah, halka markii hore ay dhaqaale ka heli jireen oo kaliyah Daacishta kale ee ka dagaalanta dalalka carbeed.

Bishii August 2018-kii warbaahinta maxalliga ah ayaa ku warantay in Daacish ay billaawday iney canshuur ka uruuriso ganacsatada maagalada Boosaaso iyo bulshooyinka kale ee ku nool deegaannada kale ee Puntland ka hor inta aysan lacag arruurinta ku fidinin magaalada Muqdisho.

.
.

Saraakiisha Amniga magaalada Garowe waxay sheegeen Daacish iney canshuur ahaan ay bishi ku uruuriyaan $72,000 oo doolar.

Dad ka tirsanaa Daacish oo ka soo goostay oo u warramay sirdoonka dowlad goboleedka Puntland waxay sheegeen dhaqaale uruurinta Daacish iney soo billaabatay 2017-kii.

“Al-Shabaab iyo daacish lacagaha ay canshuur ahaan ama saka ahaan uga qaadaan ganacsatada, shaqaalaha dowladda iyo dadka kale ma aha mid ay dadku raalli ka yihiin,” ayuu yiri Machadka Hiraal.

Waxaanna si rasmi ah loo ogaan karin lacagaha rasmiga ah ee Al-Shabaab iyo Daacish ay ka uruuriyaan gudaha dalka Soomaaliya waxa ay doonaanba ha ugu yeeraane.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this