Sign in to follow this  
Deeq A.

Hirshabeelle Oo Shaacisay Jadwalka Doorashada Lix Kursi

Recommended Posts

Deeq A.   
Guddiga SEIT Hirshabeelle ayaa shaaciyay jadwalka iyo habraaca lix kursi oo kamid ah kuraasta golaha shacabka oo deegaan doorashadoodu tahay magaalada Jowhar.
War ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in lixda kursi ee tirsigoodu kala yahay HOP#005, HOP#033,  HOP#052, HOP#088, HOP#097 iyo HOP#098.
IMG-20220125-WA0072.jpg
Yaa ku fadhiyay Lixda kursi ee doorashadooda la shaaciyay ?

HOP#005 : waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan  Maxamed Cumar Caymoy

HOP#033 : waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan   Yuusuf Ibraahim Afrax

HOP#052: waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan  Farxiya Maxamuud Dhaqane

HOP#088 : waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan   Dahabo Suusow Maxamed

HOP#097 : waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan   Khadiija Maxamed Diiriye

HOP#098 : waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan  Maxamuud Maxamed Jaamac

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this