Sign in to follow this  
Deeq A.

Seddax Kursi Oo Saaka Lagu Dooranayo Kismaayo, Yaa U Tartamaya?

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Jubbaland saaka lagu wadaa in ay ka dhacdo doorashada seddax kursi oo ka tirsan kuraasta golaha shacabka.

Kuraasta saaka la dooranayo ayaa kala ah HOP#118, HOP#126 & HOP#127, kuwaas oo hadda qaban qaabadii ugu dambeyay ay ka socoto hoolka doorashada.

Tan iyo xalay waxaa socday kulama ay musharixiinta kuraastaan la yeelanayaan ergada soo dooraneysa xildhibaanada, kuwaas oo ka codsanaya mid waliba in uu codkooda siiyo.

Kuraastaan ayaa waxaa Jubbaland afartii sano ee la soo dhaafay baarlamaankii 10-aad xildhibaanada kala ah :-

1: HOP#118 : Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan  Saqar Ibraahim Cabdalla.

2: HOP#126: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan  Maxamed Xasan Idiris (Ganeey).

3: HOP#127: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan  Cali Cismaan Xirsi.

Yaa U tartamaya hadda?

 Seddaxda kursi ee saaka la dooranayo waxaa u tartamaya musharixiinta kala ah:-

1: HOP#118: Waxaa maanta u tartamaya musharax Yuusuf Maxamed Ismaaciil iyo Cumar Maxamed Cumar.

2: HOP#126: Waxaa maanta u tartamaya Musharax  Xasan Xuseen Maxamed (Eeley) & Cabdiraxmaan Macalin Xuseen.

3: HOP#127: Waxaa maanta u tartamaya Musharax Cabdiqaadir Cabdullahi Xirsi iyo Dr. Axmed Aadan Axmed.

Sawirada Hoolka Doorashada 

272297558_479777566931903_67807315798062 272338003_479777530265240_43016170846275 272822890_479777500265243_46206944246572

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this