Sign in to follow this  
Deeq A.

Aargoosiga siyaasadeed ee Deni iyo Cumar Cabdirashiid

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Doorashada Golaha Shacabka ee ka socota maamulka Puntland ayaa la kulmeysa dhaleeceyn ku aadan habka loo maareenayo illaa iyo hadda.

Hoggaamiye Saciid Cabdullaahi Deni ayaa doorashadii geeyey xarunta ciidanka ee 54-aad, dadka sida weyn u naqdiyey arrintaan waxaa kamid ah Ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, kaas oo sheegay inay qatarteeda leedahay in xiro ciidan lagu qabto doorashada xubnaha Golaha Shacabka, isagoo is waydiiyey cidda lagala xisaabtamayo dhibaatadaas.

Wuxuu sheegay inay tani ka argagax badan tahay wixii ay horey uga digeen. Cumar oo la hadal hayo inuu kamid yahay musharixiinta madaxtinimada Soomaaliya ayaa loo arkaa dhaawaca Koowaad ee gaari doona Saciid Deni.

Sheekadaan waxay la xiriirtaa wixii dhacay doorashadii 2016-kii. Cumar Cabdirashiid oo xilligaas Ra’isul wasaare ka ahaa dalka, wuxuu doonayey inuu u tartamo xilka madaxweynaha Soomaaliya. Gaas oo xilligaas maamulayey Puntland wuxuu ogolaa inuu dhiso Cumar, balse waxaa dhexda kasoo baxay Saciid Cabdullaahi Deni, kaas oo kasoo carooday in loo diiday kursigii xildhibaanimo ee beeshiisa.

Saciid Deni wuxuu xilligaas go’aansaday inuu u tartamo xilka madaxweynaha Soomaaliya, dad wax gal ah oo reer Puntland ah oo loo diray ayaa ka codsaday Saciid Deni in uusan dhaawicin fursadda Cumar Cabdirashiid, balse codsigooda dheg jalaq uma siin.

Codadkii uu Deni heli karay waa la fahamsanaa inay ahaayeen kuwa ka imaanaya Puntland, kuwaas oo haddii uusan Deni tartami laheyn la filan karay inay aadaan dhanka Cumar Cabdirashiid.

Doorashadii dhacday 8-dii February 2017-kii, wuxuu Saciid Deni helay 18-cod, waxaa illaa hadda la aamisan yahay inuu jidgooyo u dhigtay codadkii Cumar Cabdirashiid oo isagu helay wareegii koowaad 37-cod.

Haddii Deni uusan waqtigaas tartami laheyn, waxay dad badan qabaan in 18-kaas cod ay aadi kareen intooda badan dhanka Cumar Cabdirashiid.

Hadda waa 2022-ka, Sacidi Deni wuxuu doonayaa inuu u tartamo xilka madaxweynaha, wuxuu ku jiraa dadka ugu fursadda fiican doorashada sanadkaan, laakiin waxay kooxdiisa ka walaacsan tahay qorshaha Cumar Cabdirashiid oo isna raba inuu u tartamo xilka madaxweynaha.

Kooxda Saciid Deni waxay qaar aaminsan yihiin in ujeedka Cumar u tartamayo inay tahay aargoosi siyaasadeed oo la xiriira wixii dhacay doorashadii ugu dambeysay ee ka dhacday Soomaaliya.

Dhawaan wuxuu Cumar kasoo horjeestay bayaan ay Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdiweli Gaas isku dayeen inay ku garab istaagaan qorshaha Saciid Deni ee Boosaaso, ugana hor yimaadaan go’aankii Isimada magaaladaas, balse Cumar Cabdirashiid Sharma’arke waa iska bari yeelay arrintaas qoraal ahaan iyo cod ahaan labadaba.

Mar kale wuxuu si buuxda u naqdiyay sida uu Saciid Deni u maamulayo doorashada Golaha Shacabka ah, taas oo sii iftiimineysa loolanka soo socda.

Haddaba, dad badan waxay is waydiinayaan Cumar Cabdirashiid ma kala qeybin karaa codadka uu isku soo aadisanayo Saciid Deni.

Hoggaamiyaha maamulka Puntland wuxuu dagaal la galay dhamaman siyaasiyiintii geed fadhiga u ahaa siyaasadda reer Puntland ee Muqdisho taalla, wuxuu taas badalkeeda abuurayaa siyaasiyiin cusub iyo kuwa uu kasoo dhex saaray xukuumadiisa Puntland.

Sida iska cad, kooxdaas wax badan Xamar kama goyn karaan, balse waxaas oo dhan, waxaa ka xoog badan qorshaha ay wadaan Cumar Cabdirashiid iyo xubnaha kale ee reer Puntland ee Muqdisho fadhiga ku leh.

Inta laga yaqaano siysaasadda Cumar Cabdirashiid, saaxiibtinimadiisa, akhrintiisa fudud ee siyaasada taagan iyo waxa saaxiibadiis ka shaqeenayaan maamlmahaan waxaa la aaminsan yahay inuu Cumar si weyn u dhaawici karo codadka uu Saciid Deni ku xisaabtamayo, gaar ahaan kuwa ka imaanaya dhanka Puntland.

The post Aargoosiga siyaasadeed ee Deni iyo Cumar Cabdirashiid appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this