Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Shacabka: 12 Xildhibaan oo Cusub oo Maanta La Doortay

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa manta Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo kusoo idlaatay doorashada 12 kursi, kuwaas oo deegaan doorashadoodu kala tahay gobolada Woqooyi iyo iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyaga kamid noqonaya Baarlamaanka 11-aad ee jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliy.

1 Kursiga sumadiisu tahay HOP260 ayaa waxaa kusoo baxay Sulayman Cali xuseen oo helay 62 cod, halka musharraxii la tartamaysay oo ahaa Musharax filsan axmed ismaail ay heshay 22 cod iyo cabdinaasir axmed garow 15 cod, kadib wareeg labaad oo la aaday .

2 Kursiga sumadiisu tahay Hop#257 oo doorashadiisu ka dhacaday Muqdisho ayaa waxaa ku guuleysatay Nadra salaax cabdi i, waxaana guddiga uusan shaacin tartamihii la tarmay Nadra.

3 Kursiga tirsigiisu yahay Hop#201 ayaa waxaa ku guuleystay Dr: Cabdilaahi xaashi isna majirin tartan uu la kulamay.

4 Kursiga tirsigiisu yahay Hop#211 ayaa waxaa ku guuleystay Caasho Koos Maxamuud Cumar, waxaana lagu doortay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

5 Kursiga tirsigiisu yahay Hop#209, Maxamed Xuseen Haadi, mana jirin ruux la tartamay oo la shaaciyey,.

6 Kursiga tirsigiisu yahay HOP#214 aya waxaa ku guuleystay Dr Cilmi mohamed nuur oo cod gacan tag ah kaga adkaaday musharxii la tartamayey Marwo tusmo jamac Libaan.

7 Kursiga tirsigiisu yahay HOP#245. Ayaa waxaa kusoo baxay Cabdiraxmaan Axmed Suge, waxaana u tanaasulay musharraxii la tartamayey.

8 Kursiga sumaddiisu tahay HOP#247 ayaa waxaa lagu doortay Muqdisho waxaana ku tartamay Musharax marwo, Khadra Maxamed tukaale, waxaana u tanaasulay musharaxii la tartamayey.

9 Kursiga Tirsigiisu yahay HOP#215 ayaa waxaa guuleystay Ayuub Ismaaciil Yuusuf, cod gacan taag ah, kadib markii uu tanaasulay musharxii la tartamayey.

Dhanka kale magaalada Baydhabo ee xarunta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa kusoo idlaatay doorashada 3 kursi oo ka tirsana golaha shacabka Baarlamaaka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya.

1 Kursiga tirsigiisu yahay Hop-002 Siid cali isaaq Maxamed iyo Mowliid Nuur Xasan, Musharax Sidiiq ayaa ku guuleystay codad gaaray 82-cod halka musharaxii la tartamayay Mowliid Nuur Xasan uu heley 18-cod, halka 1-cod ayaa halaabay.

2 Kursiga tirsigiisu yahay Hop-231 oo ayaa lagu doortay magaalada Baydhabo waxaana ku tartamay Maxamuud Cali Mursal iyo Isaaq Maxamuud Mursal (Fanax, waxaana codad gaaraya ku guuleystay gaaraya 72-cod ku guuleystay Isaaq Maxamuud Mursal (Fanax, halka musharaxii la tartamayay Maxamuud Cali Mursal uu heley 15-cod 2-cod ayaa halaabay.

3 Kursiga tirsigiisu yahay Hop-056 ayaa waxaa ku guuleystay Maxamed Jaamac Mursal (Geele) waxaana uu helay codad gaarayo 79, halka musharraxii la tartamaayey Maxamed-Nuur Cabdulaahi Jaamac uu heley uu helay 21-cod1-cod ayaa halaabay.

269608375_265642178944520_42500393632742 269675603_265657508942987_42573483887332 272280408_265774998931238_60661304074265 272280718_265661308942607_62541308871662 272282826_265614562280615_34823165814278 272324312_160219256340681_84674980690560 272344075_265603075615097_10396206256858 272441028_160235203005753_64001200400809 272443834_160221423007131_66565870267057 272682421_265725632269508_76664670635281 272755214_265629565612448_66077691620297 269519397_265602065615198_81506615103996

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this