Sign in to follow this  
Deeq A.

Ingiriiska Oo Wakiil Cusub Usoo Magacaabay Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Dowlada Ingiriiska ayaa Lizzie Walker, usoo magacowday in ay noqoto wakiilka cusub ee dowlada UK u fadhiyi doona xafiiska Hargaysa ee Somaliland, iyadoo badalaysa Staurt Brown.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibadda Somaliland, DR Ciise Maxamuud Kayd, ayaa marwo Walker kusoo dhaweeyay magaalada Hargaysa, isla markaana Walker ayaa dhankeeda wasiir Kayd uga mahadcelisay soo dhawaynta.

“Aad ayaan uga mahadcelinayaa in Wasiirka Ariimaha Dibadda Somaliland, ii igu soo dhaweeyo xafiiska UK ee Somaliland, anigoo kala wareegi doona Staurt Brown…waxan ka shaqayn doona horumarinta xidhiidhka Somaliland iyo UK,” ayay tidhi Walker.

Walker ayaa hor usoo noqotay madaxa  Badhtamaha Afrika ee Xafiiska Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta ee Dowlada Ingiriiska.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this