Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddida Doorashooyinka Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Weftiga Ka Socda Beesha Caalamka Iyo Arrimaha Laga Wadahadlay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ) ayaa maanta xafiskiisa ku qaabilay wafti-sare oo ka socda waddamada Somaliland ka tageera arrimaha doorashooyinka  iyo dimuqraadiyada– kuwaas oo ka kala socday midowga yurub(EU), UK, Sweden, Norway, Finland, Denmark iyo Germany.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha diiwaangelinta iyo doorashooyinka fooda inugu soo haya iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa bilaabidda diiwaangelinta codbixiyayaasha, loona  xoojin lahaa hannaanka dimoqraadiyadda Somaliland.

Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa iyaguna dhinacooda uga warbixiyey waftiga qorshayaashooda shaqo ee ku aadan arrimaha diiwaangelinta iyo doorashooyinka inagu soo fooda leh, waxayna waftiga ka dalbadeen sidii ay u taageeri lahaayeen shaqada KDQ.

  • 1-5-1024x683.jpg
  • 2-3-1024x683.jpg
  • 3-2-1024x682.jpg
  • 4-2-1024x683.jpg
  • 5-2-1024x682.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this