Sign in to follow this  
Deeq A.

Nuxurka Kulan ay yeesheen Komishanka Doorashooyinka S/land & Wefti ka socda Bulshada

Recommended Posts

Deeq A.   
Nuxurka Kulan ay yeesheen Komishanka Doorashooyinka S/land & Wefti ka socda Bulshada
Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ) ayaa maanta xafiskiisa ku qaabilay – wafti-sare oo ka socda waddamada Somaliland ka tageera arrimaha doorashooyinka iyo dimuqraadiyada– kuwaas oo ka kala socday midowga yurub(EU), UK, Sweden, Norway, Finland, Denmark iyo Germany.
Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha diiwaangelinta iyo doorashooyinka fooda inugu soo haya iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa bilaabidda diiwaangelinta codbixiyayaasha, loona xoojin lahaa hannaanka dimoqraadiyadda Somaliland.
Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa iyaguna dhinacooda uga warbixiyey waftiga qorshayaashooda shaqo ee ku aadan arrimaha diiwaangelinta iyo doorashooyinka inagu soo fooda leh, waxayna waftiga ka dalbadeen sidii ay u taageeri lahaayeen shaqada KDQ.
272562152_5078992062120787_1335427580125
272295567_5078992232120770_5426065271434

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this