Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo hubaysan oo qabsaday xaafado ka tirsan Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamo hubaysan oo uu hoggaaminayo Sarkaal lagu magacaabo Nuur Dheere ayaa saaka qabsaday qaar kamid ah Xaafadaha magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Ciidankaas oo ku gaashaaman noocyada kala duwan ee gaadiidka dagaalka ayaa sida wararku sheegayaan isku fidiyay xaafadaha Beledweyne halkaas oo ay isaga baxeen Ciidanka Booliiska.

Ciidamada Nuur Dheere ayaa Beledweyne ka wada kacdoon ka dhan ah Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo la sheegay in uu safar ku imaanayo Beledweyne.

Magaalada waxa xalay ka dhacay muddaharaad xooggan oo looga horjeedo imaatinka Madaxweyne Guudlaawe iyo wefdigiisa.

PUNTLAND POST

The post Ciidamo hubaysan oo qabsaday xaafado ka tirsan Beledweyne appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this