Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Koore Oo Sheegay In Doorashada Ururrada Siyaasadu Ay Kasoo Horraynayso Doorashada Madaxtooyadda

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa sheegay in doorashada ururrada siyaasadu ay kasoo horaynayso doorashada madaxtooyada, kadibna saddexda urur ee soo baxaa ay doorashada madaxtooyada galayaan.

Wasiir Koore, oo waraysi siiyay BBC-da, ayaa sheegay in doorashada madaxtooyadu ay wakhtigeedii ku qabsoomayso oo aan maalin lagu dari doonin, laakiinse ay doorashada ururrada siyaasadu marka hore dhacayso.

“Waxaa la iclaaminayaa 45 cisho oo loogu diyaar garoobayo ururrada cusub, xukuumada aan afhayeenka u ahay hal maalin ku dari mayso, marka intasoo talaabo la qaado saddexda xisbi ee soo baxaa waxay galayaan doorashadii madaxtooyada…” ayuu yidhi Wasiir Koore.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this